Muqdisho (Caasimada Online) – Caqabad weyn ayaa soo wajahday markabka Turkiga ee Oruç Reis, kaas oo haatan shidaal baarista ka wada xeebaha Soomaaliya, sida uu shaaciyay madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta ka hor hadlayay baarlamaanka dalka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in qashin badan oo lagu daadiyay badda ay caqabad ku noqdeen howlaha baarista shidaalka Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in warbixinnada lala soo wadaagay ay muujiyaan halis weyn oo ka taagan arrintaasi.
“Qashinkii laga soo saarayay badda iyo sida loo soo saarayay ayay muuqaallo kasoo duubeen. Qashinkaasi ugu badan ma aha midda kiimikada iyo sunta aan ka qaylin jirnay, balse waxaa ugu badan qalabka lagu kalluumaysto oo badda dhexdeeda looga tegay, sida shabaagaha iyo qalab aan xiriirin waayay,” ayuu yiri madaxweynuhu.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in qashinku uu u badan yahay qalab kalluumaysi oo looga tegay badda, kuwaas oo uu tilmaamay in aan laga oggolayn caalamka. Balse, marka ay maraakiibta shisheeye ku jalaabteen, ayay isaga tageen qalabkaas.
“Sababtu waxay tahay, markabka marka uu kalluumaysto waa inuu kalluunka qaadaa oo dekado caalami ah geeyaa. Dekadaha caalamiga ah lama tebin karo qalabkaan uu meesha iska dhigay, waayo waa qalab mamnuuc ka ah in lagu kalluumaysto. Si aanan dambi loogu qabsan, wuxuu uga tegay baddeenna,” ayuu hadalkiisii sii raaciyay.
Waxaa kale oo uu yiri: “Arrintaas waa arrin aad iyo aad u xanuun badan. Ma aha oo kaliya in dadkaasi ay qaadanayaan khayraadkeenna, balse waxay sameynayaan arrin xanuun badan oo wax u dhimaysa deegaanka iyo baddeenna.”
Dhinaca kale, madaxweynaha ayaa tilmaamay in howshu weli socoto, isla markaana uu fulayo heshiiska shidaalka ee ay la galeen Turkiga, si horay loogu dhaqaajiyo.
Soomaaliya ayaa haatan isku diyaarineysa inay ka faa’iidaysato khayraadka uu Alle ku manaystay, waxayna heshiisyo maalgashi ah la soo gashay dowlado waaweyn.