Halisaha aan la ogeyn ee ku gadaaman sharciga cusub ee la-dagaalanka argagixisada

Muqdisho (Caasimada Online) – Sharciga dhawaan la-meel mariyay ee la-dagaalanka argagixisada ayaa sare u qaaday walaacyada ku aadan in loo isticmaalo siyaabo sharciga hareer marsan, xadgudubyo siyaasadeed iyo gabood fallo xuquuqda aadanaha ah.

Inkastoo inta badan loo meel mariyo loona dhaqan geliyo sharciyada la-dagaalanka argigixisada si looga hortago falalka argagixisanimo, loona ilaaliyo amniga muwaadiniinta, haddana waxaa jira welwel laga qabo in sharcigii dhawaan la ansixiyay ee la-dagaalanka argigixisada ee Soomaaliya uu horseedo ugaarsi siyaasadeed.

Mid ka mid ah welwelka aasaasiga ah ee sharciyada la-dagaalanka argagixisada ayaa ah in loo adeegsan karo caburinta mucaaradka siyaasadeed, suxufiyiinta iyo dadka u dhaq-dhaqaaqa arrimaha xaquuqda aadanaha.

Walaaca ay qabaan dadka u dooda xuquuqul insaanka, ayaa ah in dowladdu ay u adeegsan karto qodobo kamid ah sharciga oo aanan si cad loo qeexin, kuwaasi oo dowladda ay u sameyn karto qeexidda ay doonto kadibna ku dabaqi karto beegsiga shakhsiyaadka ama kooxaha ku hawlan mudaaharaadyada nabadeed ama noocyada kale ee ah dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed.

Tani waxay abuuri kartaa saameyn togan oo ku saabsan xoriyatul qawlka iyo xoriyada madaniga ah, iyadoo laga yaabo inay dadku ka baqaan inay hadlaan iyagoo ka baqaya in lagu tilmaamo argagixiso ama laga qaado talaabooyin loo cuksan karo sharciga la-dagaalanka argagixisada.

Walaaca kale ee ay dad badan qabaan ayaa ah in sharciyada la-dagaalanka argigixisada loo isticmaali karo in lagu gaysto xadgudubyada xuquuqul insaanka, sida, jirdil, xarig aan loo meel dayin, iyo dilal sharci darro ah ama qarsoodi ah, kuwaas oo dhammaantood la hoos-gelinayo eedeymo argagixiso oo la siyaasadeeyey.

Marka ay dhacaan falal noocaasi ah, dawladdu waxay ku doodi kartaa in tallaabooyinkan ay lagama maarmaan u yihiin la-dagaallanka argagixisada, laakiin dhab ahaantii, waxaa laga yaabaa in loo isticmaalo in lagu aamusiyo mucaaradka siyaasadeed ama lagu bartilmaameedsado kooxo gaar ah, iyado loo eegayo fikradahooda siyaasadeed ama sifooyin kale oo dowladu ay u arki karto kuwo iyada ka dhan ah ama keenaya caqabado siyaasadeed.

Marka taas la eego, dawladdu waxay u adeegsan kartaa shuruucdan inay ku beegsato xisbiyada mucaaradka ah ama shakhsiyaadka dhaliila maamulka talada haya. Taasi waxay horseedi kartaa burbur ku yimaada hay’adaha dimoqraadiga ah iyo inay meesha ka baxdo ku dhaqanka sharciga.

Guud ahaan, iyadoo sharciyada la-dagaalanka argagixisadu ay noqon karaan aalado muhiim ah oo looga hortagayo falalka argagixisanimada, waxaa haddana la iska indha tiri karin walaaca laga qabo in ay dhaqan galintoodu ay horseedaan ugaarsi siyaasadeed. 

Dadka arrintani u dhuun daloola ayaa sheegay in ay muhiim tahay in dowladuhu ay u adeegsato si isku dheelitiraan ilaalinta amniga qaranka iyo ilaalinta xorriyadda madaniga ah iyo qiyamka dimuqraadiga ah.

Mid ka mid ah siyaabaha walaacan wax looga qaban karo ayaa ah in la xaqiijiuo in qodobada quseeya amniga ay noqdaan kuwa hufan oo lagula xisaabtami karo hay’ada amniga si looga fogaado ku tagri fal ka imaan kara qeexid la’aanta qodobads qaar. Sida ay tilmaamayaan khubarada sharciga, taasi ayaa macneheedu yahay in la helo tilmaamo iyo habraac cad oo loo adeegsado tallaabooyinka amniga, iyo in hab-raacyadani ay noqdaan kuwo si cad ugu tilmaaman sharciga loo adeegsan doono arrimaha amniga. 

Waxa kale oo muhiim ah in la sameeyo habab kormeer iyo dabagal ah si loo hubiyo in tallaabooyinka amniga aan lagu takrifalin, sida ay tilmaamayaan khubarada xaga sharciga ah.

Talaabada kale ee muhiimka ah waa in la hubiyo in kuwa mas’uulka ka ah fulinta tallaabooyinka amniga ay yihiin dad si sax ah loo tababaray oo la baro xuquuqda aadanaha iyo xorriyadaha madaniga ah. 

Tani waxay gacan ka gaysan doontaa in la hubiyo in tillaabooyinka amniga aan loo isticmaalin qaab ku xad-gudbaya xuquuqahan iyo xorriyadaha aasaasiga ah.

Ugu dambeyntii, waxaa muhiim ah in muwaadiniintu ay ka si wanaagsan u fahmaan xaquuqahooda ku xusan dastuurka waddanka, si ay ugala xisaabtamaan dowladooda habka ay u meel marineyso tallaabooyinka amniga ee sharcigu u ogolyahay. 

Sida ay khubarada tilmaamayaan, muwaadiniinta ayaa ku muujin kara cabashooyinka ay qabaan qaab ay kamid yuhiin qabashada mudaharaadyo dadweyne, gudbinta cabashooyinkooda dhanka baraha bulshada, iyo noocyo kale oo dhaqdhaqaaq nabadeed ah, taasi oo gacan ka gaysan karta xaqiijinta in tillaabooyinka amniga loo isticmaalo, iyado la ilaalinayo xuquuqda iyo xorriyadaha muwaadiniinta.

Haddaba asalka guud ee walalacyada laga muujinayo shuruucda cusub ee amnigu ayaa la xiriirta maadaama uu inta badan awoodo dheeraad ah siiyay hay’adaha amniga sida nabad sugida oo helaya awoodo ay ku baari karaan, ku xiri karaan, ugana soo oogi karaan dacwadaha ay doonaan shakhsiyaadka looga shakiyo ama ay ku eedeeyaan in ay khatar ku yihiin amniga qaranka.

Marka sharciyadan ay yihiin kuwo si liidata loo qeexay ama aad u ballaaran oo fasiraad jaan go’aan aan laga bixin marka la diyaarinayay ama la meel marinayey, waxaa si khaldan loogu adeegsan karaa in lagu beegsado shaqsiyaad ama kooxo sababo siyaasadeed dartood. 

Tusaale ahaan, sharciyada qeexaya “argagixisada” ama “xagjirnimada” si aan caddayn ayaa loo isticmaali karaa in lagu beegsado dadka ka soo horjeeda siyaasadda dowlada, saxafiyiinta, ama u dhaq-dhaqaaqayaasha arrimaha bulshada iyo xuquuqul insaanka kuwaas oo aan dhab ahaantii ku lug lahayn dhaq-dhaqaaqyo rabshado ama khatar ah.

Intaa waxaa dheer, sharciyada ammaanku waxay sidoo kale baabi’in karaan xorriyadda madaniga ah iyo xuquuqda aadanaha haddii ay haystaan ogolaansho xad-dhaaf ah, oo lagu gaysan karo gabood falo ay kamid yihiin xarig aan sabab lahayn, ama noocyo kale oo ka bad-badis loogu soo gambado nidaam dawladeed. 

Gebagabadii, sharciga ayaanan ilaa hadda u muuqan mid ay ku jiraan hababka kormeerka, guddiyada dib u eegista madax-banaan, ama noocyada kale ee isla xisaabtanka si loo hubiyo in awoodahaas loo isticmaalo si habboon oo waafaqsan sharciga iyo dastuurka dalka.

W/Q: Cabdiraxmaan Axmed Yuusuf

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@caasimada.net Mahadsanid.