Halista CORONAVIRUS ee Somalia oo korortay kadib kiisas laga helay deriska

Hargeysa (Caasimada Online) ―  Waxa kor usii kacaya walaaca laga qabo fayruska Corona ee ku aadan deegaanada Soomaalida, kadib markii Kiisas cusub shalay la diiwaan-galiyay dalalka deriska ah ee Kenya iyo Itoobiya..

Fayruska Corona oo dunida si xawli ah ugu faafaya ayaa shalay si rasmiya loo xaqiijiyey in Kiisas cusub oo cudurkaasi ah in laga helay dalalka Kenya iyo Itoobiya, oo xiriiro aad u ballaaran oo kala duwan la leh Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa xiriir ganacsi la leh dalka Kenya oo laga helay Kiiskii u horeeyay ee fayruska Corona, sida ay shaaca ka qaaday dowlada dalkaasi.

Kenya ayaa maalin kasta Qaad qeyrul xad ah u soo dhoofisa gudaha Soomaaliya, ha ugu badnaato caasimada Muqdisho, kaasi oo loo arko in uu sarre u qaadayo cabsida ku aadan in dalka u soo galo fayruska Corona oo dalka Kenya laga helay.

Sidoo kale dhinaca kale waqooyi, maamulka Somaliland ayaa iyaduna xiriir ganacsi oo qoto-dheer la leh dowladda Itoobiya, iyada oo xuduud dhuleedna wadaaga labada dhinac.

Somaliland ayaa iyaduna loo soo daabula Qaad badan oo uga yimaada dhanka Itoobiya, kaasi oo iyadana laga deyriyay in caabuqa Corona u sahlo soo galida deegaanada ay maamusho xukuumada Somaliland.

Inkasta oo ay Somaliland ay soo saartay go’aan ka dhan ah socdaalka dadka ka imanaya dalka Itoobiya ee gudaha u soo galaya deegaanadeeda, haddana marnaba wax go’aan ah kama soo saarin Qaad-ka sida maalinlaha ah uga soo gala dhanka Itoobiya iyo dadka wadaba.

Lama oga in Dowladda federaalka iyo mida Somaliland ay ku baraarugsan-yihiin dhibaatada ka dhalan karta Qaad-ka aan la sheybaadhin ee gudaha u soo gala deegaanadooda, kuwaasi oo uga imaanaya wadamo laga helay Kiisas la xiriira caabuqa Corona.

Dhinaca kale, Madaxa guddiga ay ku mideysan yihiin Beeraleyda Qaadka ee dowladda Kenya ayaa sheegay in Qaadka laga buufin doono jeermiska si looga hortago in gudaha Soomaaliya loogu dhoofiyo Qaad sida caabuqa Coronavirus.

Mana cada in arrinkaasi ay ku dhawaaqeen Beeraleyda qaadka ee dowladda Kenya uu qeyb ka noqon karo dadaalada lagu rabo in uu gudaha u soo galin dalka Soomaaliya fayruska faraha ba’an ku haya dunida.