DF Somalia oo xadgudub ku eedeysay laba waddan, dalbatayna in laga qabto

Muqdisho(Caasimada Online) – Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Baddaa Soomaaliya, Xildhibaan C/laahi Bidhaan Warsame oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa digniin u diray laba dal oo maraakiibtooda ay si sharci darrada ah uga kalluumeysanayaan  biyaha Soomaaliya.

Bidhaan ayaa sheegay in maraakiibta laga leeyahay wadamada Iran iyo Pakistan ay dal dalanayaan kheyraadka badda Soomaaliya, isagoo amray inay xeebaha Soomaaliya uga baxaan si deg-deg ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale dalbaday inay gacan siiso cid-kasta oo dowladda federaalka ka caawin karto soo qabashada maraakiibta shisheeye ee xaalufinaya xeebaha dalkeena.

“Waan uga digeyntaa maraakiibtaasi inay si degdeg ah wadanka uga baxaan wixii awooda ee aan saari karno iyo soo qab-qabashadoodana waan ka shaqeyneynaa. Waxaan u baahannay in cid kasta oo naga caawin karta inay naga caawiso sidii loo qaban lahaa maraakiibtaas.” ayuu yiri wasiirka wasaaradda kalluumeysiga Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in markaakiibtaasi ay gaarayaan illaa 43 markab, islamarkaana ay badan kood ku jiraan xeebaha Galmudug iyo Puntland.

Ugu dambeyn wasiirka tilmaamay in maraakiibtaasi ay sababi karaan in markale ay dib u soo laabtaan kooxaha burcadbadeeda Soomaalida oo waayadii dambe laga adkaaday.