Nin watay baabuur nooca raaxada ah oo Muqdisho ku dilay darawal Mooto Bajaaj

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil uu nin ku hubeysnaa Bistoolad saaka wiil Bajaajle ahaa ugu geystay xaafadda Seybiyaano, degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Ninka dilka geystay oo watay gaari nooca raaxada ayaa la sheegay inuu goobta isaga baxsaday falka kadib.

Dilka ayaa yimid, kadib markii marxuumka iyo ninka dilka geystay uu soo kala dhex-galay muran ku saabsan seedka waddada ay ku socdaalayeen.

Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in markii hore dawaralka Mooto Bajaajta uu soo gaaray dhaawac daran , balse markii dambe u geeriyooday.

Sidoo kale ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa soo gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo baaritaano kooban sameeyey.

Illaa iyo hadda faah faahin dheeri ah laamaha amnigu kama bixin dhacdadaasi, balse waxa ay sheegeen inay ku raadjoogaan ninka dilka geystay.

Inta badan dhalinyarada kaxeysa mootada nooca loo yaqaano Bajaajta oo aad ugu badan magaalada Muqdisho ayaa la kulmo dhibaatooyin kala duwan, sida dil ama dhaawac.