27.1 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Xog: Halkee ayey ku danbeeyeen ciidamadii loo tababarayay xildhibaanada BF?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. C/xakiin Dahir Saciid (Saacid), ayaa shaaca ka qaaday inay diyaariyeen ciidamo gaara oo ilaalin doona Xildhibaanada iyo mas’uuliyiinta kale ee ka tirsan dowlada.

Taliye Saacid, ayaa sheegay in ciidamadaasi ay ilaalo u noqon doonaan mas’uuliyiinta dowlada ee iminka wata ciidamada u diiwaan gishan dowlada.

Waxa uu sheegay in ciidamadaani ay gaar u noqon doonaan madaxda dowlada, halka ciidamada hadda ilaaliya ay ku biiri doonaan howlaha lagu sugaayo amniga magaalada Muqdisho.

”Waan diyaarinay ciidamadii nala faray in loo tababaro madaxda dowlada, ciidamadani waxaa lagu bedeli doonaa kuwa hadda la shaqeeya madaxda si ay usoo gutaan howlahooda”
”Ciidamadaani waxa ay si gaara u ilaalin doonaan madaxda si ciidamada caadiga ah loogu biiriyo howlgalada socda”

Saacid, waxa uu cadeeyay in ciidamadani loo dhameystiray tababarada, waxa uuna meesha ka saaray inay dhici karto dayacnaan dhanka amaankooda.

Dhinaca kale, Saacid ayaa Xildhibaanada dowlada ugu baaqay inay wareejiyaan ciidamadii hore, si loogu wareejiyo kuwa iminka loo tababaray.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News