Geelle bad buu isku furay: Waxa uu qaatay go’aan uu ka xishooday Farmaajo

Odaygii Ismaciil Omar Geelle ahaa bad buu isku furay. waxa uuna qaatay go’aan uu ka xishooday Madaxweyne Farmaajo.

Dhawaan Jabuuti waxa ay ku biirtay wadamada xiriirka u Jaray Qadar. ee taageeray Sucuudiga iyo Imaaraadka.

Qadar oo horay ugu soo Gurmatay Jabuuti xili ay u baahneyd wax ka qabta dhagaha Eretaria oo ay faraha isaga gubteen, weliba maxaabiistii reer Jabuuti ee lagu qabsaday dagaalkii Eretaria &Jabuuti waxa ay dowlada Qadar ku guuleystay iney ka soo saarto xabsiyada Eretaria kuna soo celiso dalka Jabuuti. balse markii uu Geelle ku dhawaaqay go’aanka uu xiriirka ugu Jaray dalka Qadar waxa ay Qadar Ciidanadeeda kala baxday Saldhigii ay ku laheyd Xuduudaha Jabuuti iyo Eretaria. durbana Eretaria waxa ay qabsatay Saldhigii ay Ciidamada Qadar ka guureen taasoo walwal badan galisay madaxda dalka Jabuuti.

Jabuuti waa qeyla dhaamisay iyada oo ku eedeysay in Ciidamada Eritrea ay qabsadeen dhulka buuraha ee Dumeira, islamarkaana waxa ay heegan gelisay ciidamadeeda , waxaana jirta cabsi laga qabo in dagaalo cusub uu labada dal dhex maro.

Balse Masar ayaa ku tiri anigaa Ciidamo badala kuwii Qadar idiin soo direyna.iyadoo ujeedada Masarna ay tahay iney hesho Saldhig ay ka weerari karto Ethiopia oo ay isku hayaan Biyaha Wabiga Niil .balse arinkaasi durba waxaa cadho ka muujiyay Ethiopia oo iska ilaalineysa in ay Masar ka soo ag dhawaato Agagaas.

Markale Jabuuti waxaa soo food saaray Culeys kale oo Uga yimid dhanka Ethiopia oo ay dhawaanahaan cilaaqaad fiican iyo is dhaafsi ganacsi oo ilaa heer Tareeno ah ay wada lahayeen. kuwaasoo si cad ugu sheegay hadii ay Masar ciidamo ka socda soo dhaweeyaan in wixii cawaaqib xuma ah ee ka yimaada ay Jabuuti dusha u ridan doonto.

Jabuuti Markaan waxa ay maciin biday iney u qeyla dhaansato Qaramada Midoobay si loogu soo diro Ciidamo caalamiya oo daan daan siga Eretaria la socda. .

Balse Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in xiisada u dhaxeysa dalalka Khaliijka ay sababtay inuu dib u soo cusbnaado khilaafkii dhanka sohdimaha ee u dhaxeeyay dalalka Eritrea iyo Jabuuti.

Dhanka kale Guddoomiyaha Midowga Afrika Mousa Faki ayaa isna sheegay inuu ka walaacsan yahay xaalada ka soo cusboonaatay labada dal, waxaa uu tilmaamay inuu si dagdag ah wafdi soo baara arrintan uu u dirayo Jabuuti.
Inkastoo iminka warar aan la xaqiijin ay sheegayaan In Wasiirka Arimaha Dibadda ee Masar iyo wafdi uu hogaaminayo oo Saraakiil ciidan u badan ay si qarsoodi ah ku joogaan Eretaria.

Tan kale Jabuuti xiligaan waa xili ay dadkeedu u baahan yihiin nabad iyo horumar si doodaha mucaaradka Jabuuti ka imaanaya looga jeediyo indhaha bulshada, waa xili ay Qeybo ka mid ah Ciidamadeedu ku kala sugan yihiin South Sudan & Soomaaliya , mana aha xili ay dagaal adag la gali karto Eretaria oo iyadu ah dal aan weyso u dhowrneyn oo Madaxda xukuntaa ay tahay Qorshaha kaliya ee ay xukunka ku sii heysan karaan iney dadka reer Eretaria ku jiheeyaan dagaalo si ay uga mashquulaan siyaasa dooda macangag nimada ah.

Sow marka wax lala yaabo maaha inaad Dalkii Ciidamadiisu ku waardiyeynayeen aad tiraahdo xiriirkaan u Jaray adigoo ku raali galinaya dalal kale oo qooqan sida dagdaga Siyaasaseed ee Geelle ku dhaqaaqay.oo kale. iyo natiijada uu maanta ka dhaxlay oo dhana iima fiyooba.

Si kastaba Jabuuti waa walaalaheen mana aha arin na farxad galineysa in la carqaladeeyo waana in markale Madaxda Soomaalidu Naf iska raadiso oo ay xaaladaas isha heyaan wixii talo ah ama dadaal diplamaasi yadeed ah oo ay Dowladeenu ka geysan kartana aysan ka gaabin iinshaAlah.

Mahadsanidiin.
Abdulkadir Dulyar
Muqdisho.