Hanjabaada mucaaradka ma loo joojin doonaa doorashada?

Muqdisho (Caasimada Online) – Muucaaradka Soomaaliya ayaa si weyn u qaadacay doorashada ka socoto dalka, gaar ahaan midda Golaha Shacabka xilli uu Muqdisho ka dhaca shir ay yeesheyn xubnaha midowga Musharixiinta.

Xubnaha ugu miisaanka culus midowga musharixiinta ayaa ku sugnaa kulankii dhawaan dhacay marka laga reebo Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo safar ku joogo dalka Turkiga.

Kulanka ayaa waxaa laga soo saaray war-saxaafadeed uu akhriyey musharax Daahir Maxamuud Gelle, waxayna sheegeyn in doorashadii la boobay lana hareer maray habraacii lagu heshiiyey.

Kooxdii lagu aaminay doorashada ee Golaha wada-tashiga Qaranka ayey ku eedeeyeen inay ku fashilmeyn shaqadii lagu aaminay, waxayna walaac ma muujiyeen waxa dhici doona haddii ay sii socoto doorashadaan ay ku qeexeyn fasahaad iyo boob.

Burbur ku yimaada dowladnimadii lasoo dhisayey 21-kii sano ee lasoo dhaafay ayey musharixiinta ku tilmaameyn dhaxalka nooca doorashadaan socota.

Xubnaha midowga musharixiinta waxay sheegeyn inay diyaarinayaan habkii dalka looga samata bixin lahaa xaaladaan, taasoo ka dhigan inay ka fakarayaan dhismaha nidaam cusub.

Waxay sheegeyn in la tashan doonaan dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada inta aysan gaarin go’aankooda ugu dambeeya.

Mid kamid ah xubnaha midowga musharixiinta oo aan la hadalnay wuxuu sheegay inaysan guud ahaan ka qeyb geli doonin doorashada noocaan ah oo ay u arkaan mid boob ah oo u adeegeyso madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wuxuu sheegay inay soo saaari doonaan mashruuc lagu badbaadinayo dalka haddii aan maalmaha soo socdo la qaadin wax tallaabo ah oo lagu hakinayo doorashada socota.

Haddaba maxaa istaagi doonaa hanjabaada musharixiinta?

Midowga musharixiinta waa cudud weyn oo aan la dafiri karin marka la joogo caasimadda Soomaaliya, inkastoo ay yihiin rag laga qabsaday maamul Goboleedyadii ay kasoo jeedeyn, haddana shacab iyo ciidan badan oo taabacsan ayaa weli heegan u ah mowjad cusub oo looga hortagayo doorashooyinkaan lasii og yahay natiijadooda.

Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble isaga wuxuu dhowr jeer sheegay inuusan dan shaqsi ah ka laheyn doorashadan oo uusanna musharax aheyn. Wuxuu u muuqdaa inuu yahaya nin ku dadaalayo inay deg deg u qabsoonto doorashada, balse maadaama hadda ay cabasho ka taagan tahay habraacyada waxaa la filayaa inuu la fariisto xubnaha midowga musharixiinta oo uu dhageysto cabashadooda.

Madaxda maamul Goboleedyada oo lagu eedeynayo inay u kala qebsan yihiin Farmaajo iyo Saciid Deni oo laba musharax ah ayaa la sheegay in aysan rabin in mucaaradka loo joojiyo doorashada.

Deni iyo Axmed Madoobe oo aan weli bilaabin doorashada Golaha Shacabka isku aragtina ah ayaa la fahamsan yahay inay eegayaan falcelinta ka timaada Xamar.

Dad badan waxay aaminsan yihin in lagu qasban yahay in mucaaradka qeylo dhaantooda la dhageysto si loo gaaro xal doorasho. Haddii la iska dhago tiro farriinta musharixiinta mucaaradka waxaa laga cabsi qabaa in go’aankooda soo baxayo Asbuucaan uu dalka geliyo mowjad cusub.

Xubno kamid ah xafiiska Ra’isulwasaare Rooble waxay sheegeyn in Ra’isulwasaaraha uu diyaar u yahay inuu wax ka qabto culeysyada jira si doorashada ay usii socoto.

Dooda ugu xooggan ee hadda taagan waa in doorashada la hakiyo lana xaliyo tabashooyinka lana hubiyo ku dhaqanka habraaca loona fududeeyo tartamayaasha waxyaabaha ay xaqqa u leeyihiin.

Guddoomiyihii hore ee Galaha Shacabka Prof. Jawaari ayaa Baydhabo ka sheegay in loo diiday xaqqii uu dastuurka siinayey, wuxuuna sheegay inuu Muqdisho isaga soo noqonayo arrintaas oo dad badan ka caroodeyn.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale la sheegay inay aad uga niyad jabsan tahay habka ay doorashada ku socoto iyo hajabaada mucaaradka, waxaaa loo badinayaa in geedigu istaagi doono oo la isugu imaan doono wada-hadal dhab ah marka laga cabir qaato sida uu xaalku yahay.