Hanti-dhowrka oo shaaciyey musuq-maasuq ka socda safaaradda Soomaaliya ee..

Muqdisho (Caasimada Online) – Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa maanta shaaciyay warbixin baariseed uu ku sameeyay mid kamid ah safaaradaha Soomaaliya ee ku yaalla dalalka Carabta, gaar ahaan midda ku taal magaalada Masqad ee Saldannadda Cummaan.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa u gudbiyey Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka Warbixin Baariseed Fatash ah (𝐅𝐨𝐫𝐞𝐧𝐬𝐢𝐜 𝐀𝐮𝐝𝐢𝐭 𝐑𝐞𝐩𝐨𝐫𝐭) oo Xafiiska Hantidhowrka Guud uu ku sameeyey 𝐒𝐚𝐟𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐤𝐮 𝐭𝐚𝐚𝐥 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐪𝐚𝐭 𝐞𝐞 𝐒𝐚𝐥𝐝𝐚𝐧𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐦𝐦𝐚𝐚𝐧.

Warbixintan ayaa waxaa lagu soo bandhigay eedeymo waa wayn oo isugu jiro musuq, ku takarifal iyo lunshashada xoolo dadweyne oo ay lahayd dowladda Soomaaliya.

Warqad kasoo baxday xafiiska Hantidhowrka Qaranka, Axmed Ciise Guutaale ayaa lagu sheegay in warbixintaan ay dabooleyso wixii dhacay 1/01/2019 illaa 31/12/2023.

Eedaha loo jeediyay safaaradda waxaa kamid ah musuq-maasuq, ku takrifal awoodeed, been abuur dukuminti, lunsashada dakhli habraac khaldan loo uruuriyay, xaraash hantida safaaradda, lunsi iyo leexsi lagu sameeyay gaadiid deeq ah oo Saldanadda Cummaan ugu deeqday dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa warbixinta lagu muujiyay in safiirka uu ku kacay halis way oo saameysay magaca iyo sharafka dowladda Soomaaliyeed.

Marka laga soo tego eeda loo jeediyay safiirka ayaa waxaa hadana lagu sheegay warbixinta inay jiraan shaqsiyaad kale oo safaaradda ka tirsanaa oo sameeyay falalkaasi musuqa ah.

“Waxaa ku lug leh dad isugu jiro madax iyo shaqaale dowladeed oo ka tirsanaa safaaradda ama xiriir wada shaqeyneed uu sharci darro ah ka dhexeeyay” ayaa lagu yiri warqadda.

Horay xafiiska hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa sidaan oo kale usoo bandhigay warbixinno baariseed ka dhan ah safaarado iyo hay’ado ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaas oo qaarkood lagu helay kiisas xasaasi ah oo musuq-maasuq ah.