Maxkamadda ciidanka oo ku dhowaaqday xukunka kiiska taliyihii saldhigga Heliwaa

Muqdisho (Caasimada Online)  – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukunno kala duwan oo adag ku ridday shabakad uu hoggaaminayay taliyihii booliska degmada Heliwaa, Cabdifatax Maxamed Xasan Qoslaaye, kadib markii lagu helay inay dil, afduub iyo dhac u gaysteen ganacsade Abuukar Axmed Kaabax oo ay horay u dileen.

Maxkamadda Ciidamada ayaa Dil-toogasha ah ku xukuntay Cabdifatax Maxamed Xasan Qoslaaye iyo Maxamed Cabdi Maxamed Qoone oo kala ahaa taliyihii Hilwaa, Kabtan Police ka tirsan iyo Dable Gacanyare u ahaa Taliyaha.

Dilka lagu xukumay labada sarkaal ayaa ah qasaasta Marxuum Abuukar Axmed Kaabax oo ay dileen 24/02/2024.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa ka xayuubisay darajadiisa Ciidan, kana saartay Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Dhamme Qoslaaye iyo Qoone.

Dhanka kale Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa 15-Sano oo Xabsi Ciidan ah ku riday Liibaan Maxamed Cumar oo Sidoo kale Liibaan Maxamed Axmed ku isticmaalo Passport-kenyan, Waana abaabulaha kiiskan ka agaasimay Dubai.

Maxamed Cadaawe Cali & Yaasiin Cabdi Jaamac oo ahaa maleeshiyad aan Diiwaanka Ciidanka ku jirin laakiin Qoslaaye uu dharka Police-ka u xiray ayaa lagu xukumay min  10-Sano oo Xabsi Ciidan ah halka Xasan Maxamed Saciid [Dhiin-Dhiin] oo ahaa farsamiyaqaan loo adeegsaday daba galka iyo shaxda dhicista isku xun laga dhigay labadan.

Maxkamadda ayaa sidoo kale sii daysay Maxamed Xasan Cusmaan oo ay wax Dambi ah ku wayday.

Ugu dambeyn waxay maxkamaddu shaacisay inuu rafcaan ka fura n yahay xukunka ay ku ridday, kaas oo eg muddada uu sharciga ogolyahay oo ah 30 cisho.