Sawirro: Wasiirada maamulka Puntland oo ku sii qulqulaya ITOOBIYA – Maxaa socda?

Garowe (Caasimada Online) – Wasiirrada dowlad goboleedka Puntland ayaa ku qulqulaya dalka Itoobiya, xili khilaaf adag uu ka dhaxeeyo dowladda federaalka iyo Puntland, halka dowladda dhexe ee Soomaaliya ay xiriirka u jartay Itoobiya.

Wefti uu hogaaminayay Wasiirka Duulista Hawada Puntland ayaa la kulmay Wasiir-dowlaha Gaadiidka Itoobiya, Mr. Dhenge Boru, Mareeyaha guud ee Hay’adda Duulista Hawada ee dalkaas, Mr Getachew Mengistie iyo Madaxa shirkadda Ethiopian Airlines, Mesfin tasew Bekele.

Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka Addis Ababa iyo Garoowe iyo kor u qaadista duulimaadyada diyaaradda Itoobiya ee Boosaaso iyo Garoowe.

Itoobiya iyo Puntland ayaa ku heshiiyey in la soo kordhiyo duulimaad xamuul ah.

Shirkan ayaa kusoo aadaya xilli ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay  hakisay xiriirkii ay la lahayd Itoobiya, dalkana ay ka ceyrisay Safiirkii Itoobiya u joogay magaalada Muqdisho.

Puntland oo garab dhaafeysa dowladda federaalka ayaa la macaamileysa Itoobiya, taasi oo dhabar jab ku ah dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Tallaabadaan waxaa ka horeysay in Puntland ay diiday go’aankii ay dowladda federaalka ku xirtay qunsuliyadaha Itoobiya ee Garowe iyo Hargeysa.