Hanti-dhowrka Qaranka oo ku guuleystay dib usoo celinta 5 gaari, kuna wareejiyay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka Axmed Ciise Guutaale ayaa ku guuleystay inuu dib usoo celiyo 5 gaari oo markii hore sifo sharci darro ah uga maqna hay’addaha dowladda federaalka Soomaaliya, sida lagu shaaciyay qoraal kasoo baxay xafiiska.

Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka ayaa waxa uu gawaaridan ku wareejiyay Guddiga Madaxa-banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka, oo markii hore asal ahaantood lahaa.

“Iyadoo ay wali socdaan dadaallada dib loogu soo celinayo gaadiidka ka maqan hay’adaha DFS, ayaa Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranku waxa uu ku guuleystay inuu ku wareejiyo Guddiga Madaxa-banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka shan gaari oo horay gacantooda uga maqnaa.”

Hanti-dhowrka ayaa sidan oo kale 14-kii bishaan ku guuleystay inuu dib usoo celiyo 10 gaari oo markii hore sifo sharci darro ah uga maqna Wasaaradda Waxbarasahda, Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha iyo Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka, uuna ku wareejiyay.

Arrimahan ayaa imanaysa, xilli Hanti-dhawrka guud uu ka digay in hantida guurtada iyo ma-guurtada ee dowladda uusan jirin shakhsi ama cid shakhsiyad qaanuuneed leh oo si gaar ah u yeelan karta ama u haysan karta, islamarkaana hantida Qaranka aan loo isticmaali karin wax ka baxsan danta guud.

Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ayaa waxa uu faray qaar ka mid ah masuuliyiintii hay’adaha dowladda ee la maqan gaadiid ay leeyihiin hey’adahaasi inay dib u soo celiyaan sida ugu dhaqsaha badan, “waa in dhammaan muwaadiniinta kale ee gacanta ku haya gaadiid dadwayne ay dib ugu celiyaan hay’adaha dowladeed ee iska leh.”

Si kastaba, Hanti-dhawrka Guud oo muddooyinkii dambe ka shaqeynayay in hantida guurtada iyo ma-guurtada ee dowladda uu dib ugu soo celiyo gacanta hay’addihii asalka u lahaa, ayaa waxa uu shaaciyay inay jiraan masuuliyiin dowladda horay xilal uga soo qabtay oo gaadiid ay dowladdu leedahay uu ku maqan yahay, kuwaas oo “il gooni ah lagu hayo.”