Muqdisho (Caasimada Online) – Hanti dhowraha qaranka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in heerkii ugu xumaa ee Musuq maasuq iyo ku tagri fal awoodeed inuu ka jiro doorashada aqalka hoose ee ka dhaceyso qaar kamid ah xarumaha maamul goboleedyada.
Musuq maasuqa ugu daran ayaa ka jira magaalooyinka Jowhar iyo Cadaado, waxaana qaad awood sheegasho iyo musuq maasuq lagu soo saaray xubno taageersan Xasan Sheikh.
Dr Nuur Faarax hantidhowraha qaranka oo la hadlayay VOA ayaa sheegay in cabasho badan ay kasoo baxday doorashooyinkii ka dhacay Jowhar iyo Cadaado.
“Arrinta iga soo baxday doorashooyinka sax ma ahan, cabasho badan ayaa xafiiskeyga soo gaartay oo ah in kuraasta qaar ay ku tartamayeen shaqsiyaad magac u yaal ah, qaarna tartamayaasha ahaa dibada lagu reebay”
“Ergooyinka qaarkood lacag lagu kala gadanayay, waxyaabo abdan oo qalad ah ayaa laga soo sheegayaa deegaanada maamul goboleedyada”ayuu yiri Dr. Nuur Faarax.
Hanti Dhowraha qaranka ayaa soo hadal qaaday is rasaaseyntii ka dhacday magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
“Jowhar waxaa ka dhacay ka hadal, Cadaado sidoo kale qof baa lagu dilay, bishii hore dhamaadkeeda Baydhabo nin tartamayaasha ka mid ahaa ayaa banaanka lagu celiyay, oo la yiri wuu tanaasulay, Kismaayo waxaa ka dhacday in rag ergooyinka ka mid ahaa inay isku dilaan, waxyaabahaas oo cadeymo ah ayaa heynaa”ayuu yiri Hanti dhowraha guud ee Qaranka.
Nuur Faarax ayaa ugu dambeyn sheegay in masuuliyada ay qaadayaan dadkii dhaqaalaha badan ku bixiyay doorashooyinkii Cadaado iyo Jowhar ka dhacay.
“Lacagaha la kala qaatay, qaar baa gaaray Hal Milyan iyo saddex boqol, waxay ka kala dhaceen Hirshabeelle iyo Galmudug, waxaa la kala gadanayay ergada, qaar baa halkii cod lagu iibsanayay shan kun illaa sodon kun”ayuu mar kale yiri Hanti dhowraha Guud.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

