Cadaado (Caasimada Online) – Waxa ay qeyladhaan kasoo yeereysaa Ergooyinka Beesha Habar-Gidir/Sacad ee howlaha Doorasho ee Aqalka Hoose u jooga magaalada Gaalkacyo ee xarunta KMG maamulka Galmudug.
Ergooyinkaani ayaa ka cabanaaya isdabamarin lagu sameeyay Liiska Ergooyinka ee dooran lahaa Xildhibaanada cusub.
Ergooyinkaani ayaa ka cabanaaya in Guddiga Doorashooyinka Galmudug ay isdabamariyeen Liiska isla markaana Liiskii hore ay ku badeleen mid cusub oo aan la garaneynin halka laga keenay.
Maxamuud Axmed Aadan oo kamid ah Nabadoonada Beesha kuna sugan magaalada Cadaado ayaa sheegay in la gacan-bidixeeyay Liiska Ergooyinkooda, waxa uuna farta ku goday in si cadowtinimo leh loola dhaqmaayo Jufo kamid ah beesha Sacad.
Nabadoonka waxa uu sheegay in loo diiday in loo Diiwaan-galiyo ergooyinkii ugu talagaleen inay doorashada Aqalka hoose uga qayb-galaan magaalada Cadaado.
Waxa uu Nabadoonka intaa raaciyay in Guddiga Doorashada uu ergadii doorashadan uga qayb-geli lahayd Jufada loo gudbiyay, balse nasiib daro in la xareeyay ergooyin kale oo aan ahayn kuwii ay magacyadooda gudbiyeen.
Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayuu sheegay inay u gudbiyeen dacwadooda, hayeeshee aysan arag wax muuqda oo laga qabtay Dacwadooda.
Kursiga muranku ka taagan yahay ayaa waxaa ku Tartamaya Xildhibaan Hore, Axmed Ducaale Geele ”Xaaf” iyo Danjire C/salaan Xaaji Axmed Dhabancad.
Magaalada Cadaado ayaa waxaa Asbuucaani la soo dhaafay dhamaadkiisa ka bilowday Isdabamarin muuqata oo ay sameynayaan Guddiga Doorashooyinka, iyagoo garab u noqonaaya Musharaxiin ay wataan.
Docda kale, Musuq-maasuqa ka taagan magaalada Cadaado ayaa waxaa sidoo kale qeyladhaan ka keenay beelo dhowr ah.
Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]

