Muqdisho (Caasimada Online) – Hanti dhowraha guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa bilaabay inuu difaaco madaxweyne Xasan Sheikh oo maalmahaan eedeymo loo jeedinayay.
Dr Nuur Faarax Jimcaale, ayaa si dadban ugu jawaabay Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo musharixiin kale oo ku takri fal dhaqaale ku eedeeyay Xasan Sheikh Maxamuud.
Dr Nuur, ayaa sheegay inaysan jirin cid si cad ugu takri fali karta hantida qaranka Soomaaliya, ayna been abuur yihiin eedemaha qaar ee madaxda loo jeedinayo.
Wuxuu sidoo kale sheegay in shacabka Soomaaliyeed aysan dhageysan hadalada warbaahinta ay marinayaan musharixiinta, sida uu hadalka u dhigay.
Madaxda dowlada Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay inay la shaqeeyaan xafiiskiisa.
Marar badan waxaa jiray eedeymo loo jeediyay madaxda dowlada oo ah inay lacagta qaranka u adeegsanayaan olalaha doorashada, balse Hanti dhowrka qaranka ayaa bilaabay difaacida Xasan Sheikh.
Hanti dhowrka ayaa wasiiro dhowr ah horey ugu eedeeyay musuq maasuq dhaqaale.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]