Muqdisho (Caasimada Online) – Rag ganacsato Soomaaliyeed ah ayaa xero ku taal duleedka magaalada Muqdisho waxa ay ku xabiseen boqolaal neef oo Lo’ ah muddo ka badan 20 casho, ayada oo aysan jirin cid siin jirtay Biyo iyo Cunto intaba, balse la duugi jiray bakhtiga kii dhinta.
Qaar kamid ah dad booqasho ku tagay xeradaas ayaa xaqiijiyay inay ku arkeen goobtaas arrin laga naxo oo ay ugu daran tahay Lo’daas oo cunaysa bakhtiga kuwa dhintay.
Duunyadan ayaa wararku xusayaan inay iska leeyihiin Masaari kuwaasoo kasoo celiyay dalalka Carabta. Lamana oga sababta Muqdishu loo keenay iyadoo la xaqiijiyay inay ku jiraan ilaa Saddex Xarumood oo kale.
Bulshada Somaliyeed ayaaa ku tiirsan xoolaha nool, waxaana wararka aan ka helnay Lo’daas sheegayaan in laga soo celiyay dalalka carabta islamarkaana ku jiraan saddex Xero oo ku taal dalka Somalia.
Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca maamulka gobolka Banaadir iyo sidoo kale wasaaradda Xannaanada xoolaha Somalia kuwaasoo muujinaya inay ku fashilmeen xilalkii loo dhiibay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

