32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Khudbadaha musharixiinta oo la dhageystay iyo xildhibaano cusub oo…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta la dhageystay khudbadaha ay jeedinayaan qaar kamid ah musharixiinta dooneysa hogaanka xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka.

Kalfadhiga koowaad ee maanta oo ay xaadireen xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka ayaa waxaa khudbadaha looga dhageystay musharixiinta dooneysa xilka guddoonka aqalka sare iyo ku xigeenadiisa.

Maalinta beri ah ayaa la filayaa inay dhacdaa doorashada guddoonka baarlamaanka aqalka sare iyo ku xigeenadiisa.

Waxaa intii maanta ay socotay dhageysiga khudbadaha la dhaariyay xildhibaano aqalka sare ka tirsan, kuwaasi oo dhawaan Muqdisho lagu doortay.

Xildhibaanada la dhaariyay ayaa kasoo jeeda gobolada waqooyi ee dalka.

16 Musharax ayaa u taagan qabashada Xilka Guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya 7 ka mid ah waxa ay u tartamayaan Xilka Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad, halka 2 ka mid ah ay u tartamayaan Xilka Guddoomiyaha Aqalka Sare, 7 kalena waxa ay u tartamayaan Xilka Guddoomiye Ku Xigeenka labaad.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News