Hargeisa (Caasimada online) Sida wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ay sheegayaan kooxo hubeysan ayaa gowracay ruux shacab ahaa, kaas oo sida la sheegay lagu magacaabi jiray Mustaf Cabdi Xasan
Mustaf ayaa la rumeysan yahay ay dileeen Afar nin oo dhalinyaro ah kuwaas oo dilkiisa u adeegsaday Tooreey , inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in dhagax lagu dilay, Kooxihii dilka geystayna waa ay ka baxsadeen halka ay wax ku dileen .
Dilka ayaa ka dhacay Xaafada loo yaqaan Boqol iyo Kontonka ee ku yaala Xaafada Waqooyi ee Magaalada Hargeysa.
Lama oga sababta dhabta ah ee ka dambeysa dilka Mustaf hayeeshee xilliga la dilayay waxa la socotay Gabar , taas oo sheegtay inaysan graneyn ragga dilay Marxuunka iyo ujedka loo bar tilmaameydsaday .
Maydka marxuunka la dilay waxaa la geeyay Saldhiga ciidanka booliska ee ku yaala Xaafadda Ibraahim Kood-Buur ee Magaalada Hargeysa, waxaan jira baaritaan arintaas ku aadan oo wali soconayo .
si kasto waa dhacdo xanuun badan sida ay sheegayaan shacab badan oo reer hargeyso ah , waxaana ay tilmaamaya inay tahay mid ku cusub deegaanada mamulka Somaliland.
Caasimada online
Xafiiska Hargeisa