Muqdisho: Khilaaf gacanta la isu la tagay iyo R/W Saacid oo xal raadiyey

Muqdisho (Caasimada online) Qilaafkan ayaa yimid kadib markii Dhisme ka socda Safaarada Mareykanka  ee Soomaaliya uu ubaahday qalab dhismaahisi Muhiim u ahaa in laga soo Dejiyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, Shirkada Favori oo Dhawaan garoonkaasi gacan ku heyntiisa la wareegtayna ayaa sheegtay in 3 Bilood kadib ay keeneyso qalabka alaabtiisi lagu soo dejin lahaa .

Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya oo dhismaheedu uu ka socdo Xarunta Xalane ayaa qandaraaskaas waxay siisay Shirkadii dhowaan xilka Garoonka diyaaraha laga qaaday ee SKA .

Shirkada SKA ayaa soo dajisay shalay qalabkii lagu soo dejinlahaa qabaka Dhismaha Safaarada  Mareykanka ee Soomaaliya waxaana Mar qura Shirkada Favori oo xilligan mas’uuliyada Garoonka Diyaaradaha heysa ay ka war heshay shaqaale labisan Dareeska SKA oo ka shaqeynaya halkaas.

Madaxa Shirlkada Favori oo lagu magacabo Maxamuud ayaa Shaqaalaha SKA ku amray inay qaataan hadii ay Garoonka howl ka qabanayaan Dharka Shirkada Favori, Taasi oo ay ka biyo diideen Shaqaalaha SKA.

Intasi kadib waxaa gacanta iskula tagay markii Muranka Shaqaalaha Labada Shirkadood uu batay John oo ah madaxa SKA Somalia iyo Seddex kamid ah Shaqaalaha Favori taas oo keentay in si xun loo garaaco Madaxii SKA Somalia John.

Madaxda SKA ayaa qadka Telphone-ka waxay kula hadleen madaxa Shirkadaasi ugu sareeya oo sida la tilmaamay ku sugan dalka Isku tagga Imaaraadka Carabta , kadibna waxaa sida la sheegay uu dhankiisa arintan kusoo war galiyay Madaxda dowlada Soomaaliya gaar ahaan Xafiiska Ra’isul wasaaraha Somalia.

Daqiiqado kadib murankii oo loo maaro la’yahay waxaa halkaasi gaaray Ra’sul wasaare Saacid oo dhex dhexaadiyay qilafkii gacan ka hadalka sababay ee ka dhacay garoonka Muqdisho, waxana la sheegay in SKA lagu qanciyay inay howsheeda gudato iyadoo Dharkeeda wadato kadib wada hadal waqti qaatay .

Favori ayuu ra’isul wasaare Cabdi Faarax ku qanciyayb inay samirto inta howshaasi ay kadhamaaneyso SKA,  waxaana uu amar ku bixiyay in ciidamo boolis Somali ah oo amniga suga inta hoshooda ay SKA ka gudaneyso halkaasi la geeyo .

Xigasho SKY FM

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com