25.6 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Xukun lagu riday haween u basaasayay Al-Shabaab

Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Jubbaland ayaa xukuntay afar haween ah oo loo haystay inay xog sirdoon u gudbin jireen kooxaha argagixisada ee dagaalka kula jirto dowladda.

Haweenka la xukumay oo kala ah; Nasro Nuur Cusmaan, Xaawo Ibraahim Maxamed, Iqro Faarax Cabdinuur iyo Maryan Maxamed Aadan ayaa lagu helay dambiyo la xiriira la shaqeynta kooxda Al-Shabaab.

Haweenkan ayey maxkamaddu sheegtay in ay si gaar ah u gudbin jireen xogaha ku saabsan ciidamada iyo shacabka ku nool deegaanka Buuloxaaji.

Fadhiga maxkamadda oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada ee Jubbaland Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxmuud Ibraahim, ku-xigeennadiisa, Xeer-ilaaliyaha ciidamada, baarayaal, iyo qareennadii u doodayay eedeysanayaasha ayaa lagu dhageystay doodo muddo socday.

Maxkamaddu waxay xustay in qiimeyn dheer kadib ay soo baxday in qaar ka mid ah gabdhaha aysan qaan gaarin, taasoo saameyn ku yeelatay go’aanka kama dambaysta ah. Sidaas darteed, halkii laga qaadi lahaa xukun ciqaabeed culus, waxaa lagu amray in afarta haween ah loo gudbiyo barnaamij dhaqan-celin ah oo ay si dhow ula soconayaan hay’adaha amniga.

Xukunka maxkamadda ayaa lagu sheegay mid ka tarjumaya dadaallada Jubbaland ee ka dhanka ah xagjirnimada, iyadoo la tixgelinayo xaaladaha gaarka ah ee eedeysanayaasha iyo doorka ay haweenku ku leeyihiin bulshada dhexdeeda.

Si kastaba, xukunka maxkamadda ayaa muujinaya baahida loo qabo wacyi-gelin xooggan oo lagu beego dhalinyarada iyo haweenka, si looga hortago marin-habaabinta ay kooxaha xagjirka ahi adeegsadaan si ay ugu adeegsadaan dano argagixisanimo.

- Advertisement -

Read more

Local News