26 C
Mogadishu
Sunday, June 8, 2025

Haweeney Camool ah oo sheegtay saadaal walbahaar galisay Shacabka Mareykanka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Haweeney lagu magacaabo Baba Vanga oo ku nool dalka Mareykanka ayaa aad uga nixisay dadka ku nool dalka Mareykanka kadib markii ay mar kale soo saartay saadaal walbahaar galisay dadka dalkaasi ku nool.

Mr Baba Vanga oo camool ah ayaa dhowr jeer saadaalisay in dalka Mareykanka ay ka dhici doonaan waxyaabo badan waxaana lagu xasuustaa inay faalootay Aftidii dadweynaha Britain ay uga baxeen Midowga Yurub.

Mr Baba Vanga, waxa ay sidoo kale horay u saadaalisay in xukunka Mareykanka uu qaban doono Madaxweyne Madow ah kaasi oo noqday Madaxweyne Obama oo iminkaba kasii dagaaya madaxtinimada.

Baba Vanga, waxa ay bilo ka hor sheegtay in doorashada Mareykanka uu ku guuleysan doono Musharax lagu magacaabo Trump.

Guusha Trump ka hor ayay sidoo kale, sheegtay in dalka Mareykanka uu ka dhici doono banaanbaxyo aan horay loo arag.

Baba Vanga, waxa ay hadda saadaalisay in dalka Mareykanka uu ka dhici doono dagaal sokeeye oo abaaro wata, waxa ayna Haweeneydaani camoosha.

Trump ayay sheegtay inuu noqon doono Madaxweyne qalalaasa galiya dalka Mareykanka.

Si kastaba ha ahaatee, Baba Vanga, ayaa waxaa looga danbeeyaa saadaasha Siyaasada, waxaana inta badan dhaca saadaasheeda.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News