Haweeney gubtay seygeeda oo lagu qabtay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa gacanta kusoo dhigay haweeney lagu magacaabo Muno Awsame Xuseen oo ku eedeysan inay dhowaan ninkeeda ku qabtay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Haweeneydan oo falka kadib baxsatay ayaa baadi goob kadib, waxaana gacanta kusoo dhigay ciidamada booliska ee gobolka Banaadir.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Boliiska Yaaqshiid waxa ay soo qabteen haweney gubtay  Ninkeeda 16/2/2024 baadigoob dheer kadib waxaa Gacanta lagusoo dhigay” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo uu soo saaray taliska booliska gobolka.

Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lasii raaciyay in haweeneyday oo 21 jir ah la horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

“Eedeysanada lagu magacaabo, MUNO AWSAME XUSSEN 21 jir ah, Waxaana la horgeydoonaa Maxakamadda Awooda u leh” ayaa mar kale lagu yiri.

Dhinaca kale booliska ayaa farriin u diray shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ka dalbaday inay la shaqeeyaan, si looga hortago wax kasta oo dhibaato ku ah bulshada.

“Muwaadin hadii aad la kulanto fal danbiyeey nuucaan oo kala ah adigoo Mahadsan la xariir Ciidamadda Amaanka ee kuugu dhaw ama wac Xafiiska Gurmad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee 991” ayaa lasii raaciyay warsaxaafadeedka.

Soo qabashada haweeneydan waxaa ka horreeyay nin isna ‘kufsaday’ laba gabdhood oo ay dhashay xaaskiisa, kaas oo ay shalay soo qabteen ciidamada Booliska Soomaaliya.

Falalka foosha xun ee ka dhax dhacaya guryaha qoysaska Soomaaliyeed ayaa muddooyinkan dambe kusoo badanayay Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka.