Hay’adaha amaanka DFS oo wax laga weydiin doono amniga iyo amaanada

Muqdisho (Caasimada Online)-Baarlamaanka Somalia ayaa shaaca ka qaaday inay bilaabayaan la xisaabtanka Hay’adaha amaanka dowlada Federaalka.

Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed oo Xubin ka ah Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga Golaha Shacabka ee BFS ayaa sheegay in Hay’addaha amaanka wax laga weydiin doono dayacnaanta amaanka ee iminka ka taagan magaalada Muqdisho.

Xildhibaan C/risaaq, waxa uu tilmaamay in Hay’adaha ammaanka looga baahan yahay in ay tixgeliyaan shacabka islamarkaana ay si wanaagsan ula dhaqmaan.

Waxa uu Xildhibaanku intaa raaciyay in la xisaabtanka Hay’adaha amaanka ay qeyb ka noqon doonto dhaqaalaha iyo mas’uuliyada lagu aaminay.

Nuqul kamid ah haddalka Xildhibaanka ayaa ahaa ”Xildhibaan ahaan Saddex mas’uuliyad ayaa na saaran oo kala ah inaan matalno shacabka, inaan la xisaabtano Hay’adaha fulinta iyo inaan sharci dejintii aan nahay, sidaasi darteed waa inaan ka wada shaqeynaa sidii shacabka iyo Hay’adaha ay u wada shaqeyn lahaayeen”.

Haddalka Xildhibaan C/risaaq, ayaa kusoo beegmaaya xili uu horay ugu fashilmay xil uu u hayay dowladii hore ee wakhtigeedu dhamaaday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com