Ahlusuna oo Jawaab ka bixisay wararka sheegaya in ciidamo AMISOM ah la geeyay Dhuusa-mareeb

Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka gobolada dhexe ee Ahlusuna ayaa markii ugu horeysay ka hadlay warar ay baahiyeen warbaahinta qaar oo sheegaya in Ciidamo ka tirsan AMISOM la geeyay magaalada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galgaduud.

C/laahi Xirsi Diirshe Daacad oo ah Hogaamiye ku-xigeenka Maamulka gobolada dhexe ee Ahlusuna, ayaa sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwo been abuur ah.

Hogaamiye ku-xigeenka Maamulka C/laahi Xirsi ayaa tilmaamay inaanu jirin wax ciidamo shisheeye ah oo la geeyay deegaanada maamulka, gaar ahaan magaalada Dhuusa-mareeb.

Waxa uu intaa raaciyay in warkaasi uu yahay mid khaldan oo lagu doonaayo in lagu abuuro daciifnimo dhanka Ahlusunna.

Waxa uu cadeeyay in maamulka gobolada dhexe uu warkaasi u arko mid ay wataan dad gaar ah oo dano ka leh Siyaasada.

Si kastaba ha ahaatee, Hogaamiye ku-xigeenka Maamulka gobolada dhexe ee Ahlusuna ayaa dhanka kale sheegay in uusan jirin wadahadal u socda maamulka Galmudug iyo Ahlusuna.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com