24.7 C
Mogadishu
Monday, July 27, 2026

Ahlusuna oo Jawaab ka bixisay wararka sheegaya in ciidamo AMISOM ah la geeyay Dhuusa-mareeb

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka gobolada dhexe ee Ahlusuna ayaa markii ugu horeysay ka hadlay warar ay baahiyeen warbaahinta qaar oo sheegaya in Ciidamo ka tirsan AMISOM la geeyay magaalada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galgaduud.

C/laahi Xirsi Diirshe Daacad oo ah Hogaamiye ku-xigeenka Maamulka gobolada dhexe ee Ahlusuna, ayaa sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwo been abuur ah.

Hogaamiye ku-xigeenka Maamulka C/laahi Xirsi ayaa tilmaamay inaanu jirin wax ciidamo shisheeye ah oo la geeyay deegaanada maamulka, gaar ahaan magaalada Dhuusa-mareeb.

Waxa uu intaa raaciyay in warkaasi uu yahay mid khaldan oo lagu doonaayo in lagu abuuro daciifnimo dhanka Ahlusunna.

Waxa uu cadeeyay in maamulka gobolada dhexe uu warkaasi u arko mid ay wataan dad gaar ah oo dano ka leh Siyaasada.

Si kastaba ha ahaatee, Hogaamiye ku-xigeenka Maamulka gobolada dhexe ee Ahlusuna ayaa dhanka kale sheegay in uusan jirin wadahadal u socda maamulka Galmudug iyo Ahlusuna.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60