Hay’adda HRW oo warbixin cusub ka soo saartay xasuuqii degaanka Gololey

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Right Watch ayaa warbixin cusub kasoo saartay xasuuqii laba sano ka hor ka dhacay deegaanka Gololey ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo lagu dilay illaa sideed qof oo ahaa shaqaale caafimaad.

Hay’adda ayaa ugu baaqday Madaxweynaha cusub Mudane Xasan Sheekh Maxamuud in uu dib u eegis ku sameeyo dhacdadaasi, si loogu sameeyo baaris dheeraad ah.

“Waxa uu ku bilaabi karaa in uu amar ku bixiyo in dib u eegis lagu sameeyo baaritaanada dowladda federaalka ah ee wali la sugayo ee ku saabsan dhacdooyinka halista ah ee lagu weeraray dadka rayidka ah,” ayaa lagu yiri warbixinta Hay’adda Human Right Watch.

Halkan hoose ka aqriso:-

Labo sano ka hor, tuulada Gololey ee gobolka Shabeellaha Dhexe ee Soomaaliya waxaa ka dhacay xasuuq ba’an oo lagu xasuuqay siddeed ka mid ah shaqaalaha caafimaadka.

Gelinkii dambe ee Maajo 27, 2020, shan nin oo wejiyada soo duubtay – afar la sheegay inay wateen dareeska dawladda – ayaa toddoba nin oo shaqaale caafimaad ah ka afduubay xarun caafimaad oo ay maamusho hay’ad aan dowli ahayn.

Waxa kale oo ay kaxeysteen nin farmashi ka ag dhawaa xarunta iibinayay dawooyinka. Dableyda ayaa sideedii qof u soo dhaqaaqay, iyagoo indhaha ka xiray, waxayna ka tageen dumarkii ay isla shaqeynayeen.

Muddo 24 saac ku dhow ayay bulshadu isku dayday inay soo hesho raggaas. Gelinkii dambe ee 28-kii May, ayaa meydadkooda oo rasaastu ka dhacday laga helay meel ka baxsan tuulada.

Dilalkaasi waxa ay halakeeyeen bulshada ku nool deegaanka Gololey, kuwaas oo ka qiirooday geerida dadkooda. Dhallinyaro badan oo ay qaraabadoodu ugu yeereen rajada ugu weyn ayaa reerkooda u hiiliyay.Dilkan ayaa sidoo kale argagax geliyay guud ahaan dalka.

Labada maamul ee gobolka iyo kuwa dowladda ee Muqdisho jooga ayaa billaabay baaritaanno. Balse labo sano ka dib, ma jirto wax ka soo baxay baaritaannadaas.

Madaxwaynihii Dowlad goboleedka Hirshabele ee xiligaasi waxa uu sameeyay guddi baaris ah, waxa uuna balan qaaday in 30 cisho gudahood ay ku soo saari doonaan natiijada baaritaanada.

Laakiin tani weligeed ma dhicin. Sidoo kale ma jiro wax natiijo ah oo ka soo baxay baaritaanka ay wadeen Waaxda Dambi baarista Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee CID-da.

Ehelada iyo asxaabta todobada qof ee shaqaalaha caafimaadka ayaa si isdaba joog ah ugu baaqay cadaalad.
Dhawr ka mid ah asxaabtooda oo goob-joog ka ahaa afduubka ayaa u markhaati furay baarayaasha duruufo adag.

Mid ka mid ah dumarkii aanu wada shaqaynaynay ayaa wakhtigaas noo sheegtay: “Waxa aan culays igu hayay muddo dheer. Waad fahmi kartaa sida ay dareemeyso inaad u xiistay asxaabtaada kula shaqeyneysay; waxaan rajeyneynaa in maalin uun ay heli doonaan cadaalad.”

Dhacdadan naxdinta leh ka sokow, baaritaanno kale oo lagu sameeyay dilalkii iyo waayitaankii dadka rayidka ahaa sannadihii u dambeeyay ayaan sidoo kale la soo gabagabeyn, taasoo u oggolaanaysa in isla xisaabtan la’aanta ay sii jirto oo ay ehelada wax jawaab ah waayeen.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ballan qaaday inuu mudnaanta koowaad siinayo dib u habeynta sharciga iyo garsoorka. Waxa uu ku bilaabi karaa in uu amar ku bixiyo in dib u eegis lagu sameeyo baaritaanada dowladda federaalka ah ee wali la sugayo ee ku saabsan dhacdooyinka halista ah ee lagu weeraray dadka rayidka ah. Iyo eheladii iyo asxaabtii badnaa ee lagu xasuuqay Gololey waxay mudan yihiin baaritaan cusub.