27.9 C
Mogadishu
Monday, February 2, 2026

Heerarka hindisaha sharciga dhismaha hay’adda daawada iyo agabka caafimaadka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay xaqiijisay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka, Sharciga Daawada iyo Agabka Caafimaadka Soomaaliyeed waxa uu soo maray heerar sharciyeed oo kala duwan tan iyo markii ugu horreysay ee la bilaabay hindisihiisa.

Heerka koowaad:

Sharcigan markii ugu horreysay waxaa la horgeeyay Golaha Shacabka xilligii Baarlamaanka 10aad, halkaas oo uu maray Akhrinta Koowaad. Si kastaba ha ahaatee, sharcigu ma uusan dhammaystirin marxaladihii sharciyeed ee loo baahnaa, sababo la xiriira dhammaadka muddada Baarlamaanka, taas oo keentay in aan markaas la meelmarin.

Heerka labaad:

Markii la dhisay xukuumadda cusub, Wasaaradda Caafimaadka ayaa dib u soo nooleysay hindise-sharciyeedkan, iyadoo mar kale u gudbisay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Mudane Xamse Cabdi Barre. Inkastoo ay jireen caqabado farsamo iyo sharciyeed oo dib u dhigay hirgelinta sharciga, haddana waxaa la sameeyay wada-tashiyo iyo wadahadallo ballaaran.

Wadahadalladaas iyo dadaalladaas waxaa si dhow u hoggaaminayay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Maryama Mohamed Hussein, iyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Cali Xaaji Aadan, iyagoo kaashanaya hawlwadeennada Wasaaradda Caafimaadka iyo khubarada ku howlan nidaaminta daawooyinka.

Heerka farsamada:

Shaqo muhiim ah waxaa si gaar ah u qabtay kooxda farsamada ee sharciga, oo uu hoggaaminayay Dr. Fataax Mohamed Sharawe, Guddoomiye ku-meel-gaar ah ee Hay’adda Daawada iyo Agabka Caafimaadka Soomaaliyeed. Kooxdan ayaa si qoto dheer uga shaqeysay sixidda, waafajinta, iyo diyaarinta dhanka sharciyeed ee sharcigan.

Heerka ugu dambeeya:

Ka dib muddo dheer oo uu sharcigu marayay heerar kala duwan, ugu dambayn waxaa suuragashay in hindise-sharciyeedku ka gudbo Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, halkaas oo cod aqlabiyad leh lagu ansixiyay. Taasi waxay maanta ka dhigtay sharcigan mid si rasmi ah u meelmaray.

Ugu dambayn, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka ayaa u mahadcelisay dhammaan xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo carrabka ku adkaysay in waxa hadda ka sii muhiimsan ay tahay dhaqan-gelinta saxda ah ee sharcigan, si uu u noqdo mid dhab ahaan ka miro dhaliya himilooyinkii loo hindisay, una adeega badqabka iyo danta guud ee bulshada Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Read more

Local News