Addis-Ababa (Caasimada Online) – Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa ku eedeysay dowladda federaalka inay si firfircoon u wiiqeyso Heshiiskii Pretoria, waxayna arrintan ku sheegtay qoraal xog-warran ah (aide-mémoire) oo ay soo saartay labo bilood kaddib markii ay mas’uuliyiinta doorashooyinku ka laabteen aqoonsigii xisbiga ee heer federaal.
Qoraalkan oo ku taariikhaysan Luulyo 9, ayay TPLF-tu walaac qoto dheer kaga muujisay wax ay ku tilmaantay “isbeddel khatar ah” oo ay waddo dowladda federaalku, iyadoo soo xiganaysa hab-dhaqan salka ku haya “sheekooyin la been abuuray iyo hanjabaado” kuwaasoo mas’uuliyiinteedu ay sheegeen inay halis gelinayaan nabadda jilicsan ee dalka.
“Heshiiska Joojinta Colaadda (CoHA) wuxuu farayaa in la bilaabo wadahadal siyaasadeed si loo xalliyo khilaafaadka salka ku haya,” ayaa lagu yiri dokumentiga, oo dowladda ku eedeynaya gardarro iyo colaad hurin.
TPLF waxay sidoo kale ka hadashay eedeymaha ku saabsan iskaashi dhex maray TPLF iyo Eritrea, iyadoo sheegtay inay si joogto ah u ilaalisay xiriir nabadeed oo ay la yeelato gobollada deriska ah, waxayna soo xigatay horumarradii ugu dambeeyay ee xuduudda.
“Mas’uuliyiinta Federaalku waxay dadaalladaas ay bulshadu hoggaaminaysay kaga jawaabeen warar marin-habaabin ah iyo sheekooyin siyaasadaysan. Tani waxay horseeday eedeymo sheegaya kulamo sir ah, isku-dubbarid milatari, iyo iskaashi dhex maray TPLF iyo Eritrea, kuwaasoo ah kuwo aan sal iyo raad lahayn,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Xisbigu wuxuu sidoo kale soo jeediyay baaq ku aaddan dib u celinta nabdoon ee Dadka Gudaha ku Barakacay (IDPs).
“Go’aankii Guddiga Sare ee Midowga Afrika—kaasoo ugu baaqay Dowladda Federaalka inay burburiso Maamulka Aaga Amxaarada ee sharci-darrada ah, hubka ka dhigto maleeshiyaadka Amxaarada, fududeyso bixitaanka degeyaasha cusub, ayna bixiso taageero saadka ah si loo sugo dib u noqoshada nabdoon ee barakacayaasha—gebi ahaanba waa la iska indhatiray,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Xiriirka xisbiga iyo dowladda federaalka ayaa si weyn u xumaaday sanadkii la soo dhaafay, iyadoo ismaandhaafku uu gaaray heerkii ugu sarreeyay markii Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee Itoobiya (NEBE) uu go’aan ku gaaray in TPLF laga xayuubiyo maqaamkeedii xisbi siyaasadeed, taasoo si wax ku ool ah looga reebay ka-qaybgalka siyaasadeed ee rasmiga ah bishii Maajo.
TPLF ayaa horay dowladda federaalku u mamnuucday, baarlamaankuna wuxuu u aqoonsaday urur argagixiso kaddib markii uu dagaalku qarxay sanadkii 2020.
Xiisadaha jira iyo sheegashooyinka ku saabsan xiriirka sii xoogeysanaya ee lala leeyahay Eritrea ayaa horseeday cabsi laga qabo suurtagalnimada in dagaal uu dib uga soo laabto Tigray.
Intii lagu guda jiray khudbad uu ka hor jeediyay baarlamaanka toddobaadkii hore, Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed (PhD) wuxuu ku eedeeyay xoogagga Tigray inay isu diyaarinayaan “colaad cusub”. Wuxuu xildhibaannada u sheegay in hagardaamooyinka la sheegay ee hoggaamiyeyaasha siyaasadeed iyo kuwa milatari ee gobolka ay ku saleysan yihiin isku-haleyn qaldan oo ku aaddan taageero dibadeed—hadalkaas oo falanqeeyayaasha qaar ay u fasirteen inuu ula jeedo Eritrea.
“Dunidu idin ma dhageysan doonto, maadaama ay ku mashquulsan yihiin dagaallo ka socda meelo kale oo dunida ah. Hal waddan oo idin garab istaagi doonaa ma jiro,” ayuu yiri. “Wadamada aad u maleyneysaan inay taageero idin siin lahaayeen xitaa iyagu isma taagi karaan.”
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay hoggaamiyeyaasha diinta, odayaasha dhaqanka, aqoonyahannada, maalgashadayaasha, iyo diblomaasiyiinta inay si degdeg ah u dhaqaaqaan si looga hortago suurtagalnimada in dagaal lagu hoobto.
Iyadoo ay xiisaduhu taagan yihiin, Salsay Weyane Tigray (SaWET), oo ah xisbi mucaarad ah oo ka dhisan Tigray, ayaa walaac ka muujiyay in shacabka Tigray ay mar kale halis ugu jiraan inay ku dhex dhacaan israsaasaynta.
Bayaan ay soo saareen toddobaadkan, ayuu xisbigu eedda si toos ah dusha uga saaray fulin la’aanta Heshiiskii Nabadeed ee Pretoria.
“Colaad ka cusboonaata gobolka waxay khatar weyn ku tahay dad horeyba ula daalaa dhacayay caqabado amni iyo dhaqaale oo ka dhashay Dagaalkii Xasuuqa ahaa ee hore. Halkii uu ka jawaabi lahaa baryootanka shacabka, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya wuxuu ku goodiyay dagaal ‘kasii masiibo badan’, oo ay wehliyaan hadallo dagaal huwan,” ayaa lagu yiri bayaanka.

