26.1 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Heshiis dhex maray lix shirkadood oo neefta ku celiyey shacabka Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Lix bilood ka hor, ayaa toddoba shirkadood oo khaas loo leeyahay oo korontada ka bixin jiray Muqdisho isku biireen si ay u dhisaan Shirkadda Korontada Benaadir (BECO) kadib markii ay midiba iskeed u shaqeeyneeysay 20-kii sano ee la soo dhaafay.

Ujeedka isku biiritaanka ayaa ahaa in la mideeyo bixinta korontada isla markaana la casriyeeyo shabkadda korontada ee magaalada caasimadda ah, laakiin tan iyo isku biiritaankaas, ayay dadka reer Muqdisho waxay ka cabanayaan kharashka sare ee adeegga waxayna leeyihiin waa in ay xukuumaddu soo faragalisaa.

Ka hor isku biiriddooda, guri kasta waxa uu bixin jiray kaliya korontada ay isticmaalaan, laakiin hadda BECO waxay soo saartay khidmo cusub oo ah in goob walba oo adeeg la siiyo ay ugu yaraan bixiso $10.

Dad badan oo ku tiirsan lacagaha looga soo xawilo dibadda, ayaan ka bixi karin khidmadaas.

Maryan Cabdi Guutaale, oo ah hooyo dhashay shan carruur ah, ayaa sheegtay in laga jaray korontadii kadib markii ay xilligii laga rabay ku bixin kari wayday biilkeedii ahaa $89.

Iyada oo taagan xarun ay BECO ku leedahay Suuqa Xamar Weyne, ayay sheegtay in shirkaddu u diiday in ay u soo celiso korontadii kadib markii ay la soo daahday lacag bixintii.

“Qoyskeeygu waxay kunoolyihiin lacag dibadda la iiga soodiro, mararka qaarna waa ay soo daahdaa,” ayay tiri. “Dhibka i heysto haddan waxa uu yahay lacagti waan bixiyay haddana waa la iga diiday in korontada la ii xiro, sababtoo ah waxa ay ii sheegeen in aan jebiyay sharciga shirkadda ee ah in lacagta ugu dambeyn ciiddii aan ku bixin shanta maalin ee ugu horreysan bil kasta in adeegga korontada uu weynayo.”

“Dhibaato ayaan ku qabnaa kharashkaas aadka u badan iyo iyadoo shirkad kale oo adeeg kan la mid ah bixisa aysan ka jirin magaalada,” ayay tiri.

BECO waxay korontada siisaa dhammaan magaalada Muqdisho marka laga reebo hay’adaha dawladda, shirkadaha isgaarsiinta iyo hoteellada waaweeyn ee leh matoorradooda koronto ee u gaarka ah.

Maxamed Xuseen Salaad, oo ah 42-jir ganacsade ah kuna soo noqday Muqdisho kadib markii uu Ingiriiska ku noolaa 15 sano, ayaa sheegay in qiimaha sare ee korontada ay saameeyn xun ku yeelatay awooddiisa uu ku abuuri karo shaqooyinka.

Salaad ayaa furay Shirkadda Barafka Barrow, taasoo adeeg siisa hoteellada, makhaayadaha iyo waliba gaddisleeyda hadhoow dib uga sii iibiya barafka xaafadaha.

Bil kasta waxa uu korontada ku bixiyaa inta u dhexeeysa $500 iyo $600, taasoo uu sheegay in ay dhinto macaashkiisa isla markaana xaddido in uu dib u maal-galiyo una ballaariyo ganacsigiisa.

“Shirkaddeenu waxay isticmaashaa matooradeeda korontada u gaarka ah, laakiin waxan isticmaalnaa korontada [BECO] markii aan damino matoorada qiimaha uu isticmaalkaas noogu fadhiyana aad buu u sarreeyaa,” ayuu yiri.

Horumarinta kaabayaasha

Madaxa Howlgallada BECO Ciise Maxamed ayaa sheegay in qiimaha korontada ee Muqdisho uu wali qaali yahay sababtoo ah waxa laga dhaliyaa matooro isticmaala naafto, iyo sidoo kale iyaga oo isbaddalada shidaalka ee suuqa uu qiime badan ugu kaco.

Waxa uu sheegay in qiimaha uu sii kicinayo shaqada ay shirkaddu ka heeyso dib u dhiska kaabayaasha lagama maarmaarnka u ah in la helo koronto la isku halleeyn karo oo la galiyo magaalada oo dhan.

Waxa uu sheegay in tan iyo markii la isku daray shirkadaha xaafad walba la dhigay matoor weyn oo dhaliya korontada kuna shaqeeya naafto, iyo gaadiid cusub oo u oggolaanaya shaqaalaha shirkadda in ay degdeg uga jawaabaan baahida dadka.

BECO waxay sidoo kale nidaamiysay fiilooyinkii korantada ee iska daadsanaa waddooyinka isla markaana khatarta ku ahaa shacabka, gaar ahaan xilliyada roobku da’o, haddana waxay keentay baallayaal koronto, ayuu sheegay Maxamed.

“Qiimaha korontada, meelaha qaar ayaan 30% dhinnay,” ayuu Maxamed sheegay, isaga oo intaa ku daray in qiimaha korontadu u dhexeeyo $1 iyo #1.30 halkii kilowatt-ba, taasoo hadba ku xiran xaafadda.

“Xaafadaha qaar, dadka ayaa ku badan oo noloshu waa qaali sida agagaarka madaxtooyada iyo KM-4, hase ahaatee xaafadaha aan lagu badneyn qiimaha waa raqiis,” ayuu yiri.

Inkasta oo la horumariyay kaabayaasha, haddana isku biiridda shirkadaha korontada waxa laga yaabaa in uu keeno dhibaatooyin bulshada la soo darsa, ayuu sheegay professor Cali Yaasiin Cali, oo cimi-baarista ganacsiga ka dhiga Jaamacadda SIMAD ee Muqdisho.

In macaamiisha lagu khasbo in ay bixiyaan khidmo sareeysa oo ayan isticmaalin iyo in ay qalabka asaasiga ah sida saacadda korontada ka soo gataan isla shirkadda si ay adeegga u helaan ayaa culeeys ku noqon kara macaamiil badan, ayuu sheegay.

Haddii ay shirkaddu sii waddo in ay dadka ku dallacdo khidmadaha hadda ay qaaddo, waxay taasi hoos u dhac ku keeni karto horumarka dhaqaale ee biloowga ah, ayuu raaciyay.

Si loo istaajiyo qiimaha kor u socda, ayuu Cali ku boorriyay xukuumadda federaalka in ay kaalin hoggaamineed ka qaadato dib u dhiska shabakaddii koronto ee dalka iyo kaabayaashii asaaska u ahaa iyada oo gacan laga helayo shuraakada caalamiga ah.

“Dhismaha [kaabayaasha] korontada waa mashruuc aad u weyn oo kharash badan uu ku bixi karo, waxa ayna dowladdu u baahan tahay in ay la kaashato dowlado kale [oo shisheeye],” ayuu yiri.

Illaa iyo inta heerkaa laga gaarayo, Soomaalidu waxa ay ku khasban yihiin in ay ku tiirsanaadaan shirkadda gaarka loo leeyahay oo ay sii wadaan lacagta badan ee ay ku bixiyaan adeegga ay helaan, ayuu sheegay.

Dib u soo celinta dhismayaashii dawladda

Dhinaceeda, ayay xukuumadda Soomaaliya biloowday in ay qaaddo tallaabooyin ay dib ugu bilaabeeyso shirkaddii korontada ee ay dawaladdu laheeyd iyo in ay dib ula soo noqoto hantideedii.

Hadal u soo saaray 30-kii October, ayuu Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Jaamac Axmed Maxamed waxa uu ku amray dadka ku nool xarumihii qaybinta iyo dhismayaashaayii hore ee korontada inay ka baxaan guryahaas.

“Haddii aad 23-sanadood degganeeydeen ood kusoo ilma korsateen, maanta waxaa la marayaa xilligii looga faa’iideeyn lahaa ummadda,” ayuu yiri, isaga oo aan wakhti kama dambeeys ah u qaban in ay dadkaasi uga guuraan dhismayaasha.

Waxa uu sheegay in wasaaraddu bilaabi doonto mashaariic January si loo soo nooleeyo shirkadihii korontada iyo biyaha ee ay laheeyd dawladda iyada oo taageero laga helayo dawlado saaxiib ah.

Laakiin, dadka barakacayaasha ah ee uu saameeynayo amarku ayaa sheegay in ayan haysan lacag ay ku guuraan ama meel ay u guuraan waxana ay xukuumadda ku boorriyeen in ay siiso caawimaad ay ku guuraan.

Cabdiraxamaan Bishaar Yuusuf, oo ah 45-jir, ayaa sheegay in uu 16 sano ku noolaa dhisme korontada laga dhalin jiray oo ku yaal degmada Hawl Wadaag.

Yuusuf waxa uu sheegay in uunan haysan meel uu u raro qoyskiisa ka kooban toddobada carruurta ah xilligan.

“Idaacadaha ayaan ka maqalnay in dowladdu ay dooneeyso in ay naga saarto halkaan aan ku noolnahay,” ayuu yiri. “Waan ognahay in ay danguud yihiin guryahaan, hase ahaatee annaguna ma heysanno meel kale oo aan aadno. Waxa aan dowladda ka codsanaynaa in ay ka fikirto meel kale oo aan hooy ka dhigan karno.”

- Advertisement -

Read more

Local News