27.5 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Hey’ado kaalmo u dalbay Puntland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) Waxaa maanta war-saxaafadeed soo saaray hey’addo caalami ah oo qaabilsan dhinaca gargaarka, kuwaasoo ku baaqay in la caawiyo dadkii ku waxyeeloobay duufaanadii iyo roobabkii ka da’ay meelo ka mid ah So0maaliya gaar ahaan Puntland.

Hey’addahan war-saxaafadeedka soo saaray waxaa ka mid ah World Fission, Save The Children, Care Internatinal iyo kuwa kale, waxaana ay lee yihiin waa si degdeg wax loogu qabtaa dadkii wax ku noqday duufanadii ku dhuftay deegannada Puntland, gaar ahaan dadkii ku hanti beelay iyo ku xoolaha ay ku dhinteen.

Hey’addahan ayaa beesha caalamka ugu baaqay in dadajiyaan howlaha gurmadka ee loogu talagalay dadka ku wax yeeloobay musiibadaas.

Waxa ay sheegeen in meelaha qaar ee duufanta iyo roobabka ay ku dhufteen durba ay ka dhasheen cuduro halis kuwaasoo qaar kood laayay xoolo fara badan..

Dhinaca kale,Golaha Imaamyada Woqooyiga Maraykanka oo kaashanaya Hay’adda Humaniterian African Relief Organization (HARO) ayaa ku deeqay lacag gaareysa 80 kun oo dollar, waxa ay ugu deeqeen dadkii ku wax yeeloobay roobabkii iyo duufaanti ku ku dhufatay Puntland.

Lacagtaas ayaa 60 kun oo ka mid ah loo dhiibay Hay’adda HARO, halka 20ka kalena loo dhiibay Hay’addo kale kuwaasoo qeyb ka ah wax ka qabashada dhibaatooyinka ka dhacay xeebaha berri ee Soomaaliya.

Dabeylaha iyo roobabka ba’an ee ku dhuftay Puntalnd ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 140-qof, waxaana meelaha ugu daran ay ahaayeen deegannada Banderbayla, Dongoroyo iyo Eyl.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News