Hiba Nuura iyo Hobolada Waaberi oo ka tumay Muqdisho: Daawo

Bandhig Faneedkii ugu ballaarnaa ee ka dhaca Muqdisho ayaa xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, halkaasoo ay heeso wadani ah iyo kuwo guubaabo ah ay kusoo bandhigtay Fannaanada Qaranka Hiba Maxamed Cudoon “Hiba Nuura”oo labo maalin ka hor Muqdisho ku laabatay.

Bandhig Faneedkaan oo ujeedadiisa ahaa in lasoo bandhigo Hiigsiga Soomaaliya marka la gaaro sanadka 2035 ayaa waxaa hal ku dhig looga dhigay Mustaqbalka iyo Hiigsiga Soomaaliya marka la gaaaro sanadka 2035, waxaana kasoo qeybgalay Wasiiro uu ka mid ahaa Wasiirka arrimaha Gudaha C/kariin Xuseen Guuleed, Xildhibaano, Maamulka Gobolka iyo qeybaha bulshada.

Hibbo Nuurra ayaa bandhigii xalay kusoo bandhigtay Heeso qiiro galisay dadkii ku sugnaa goobta.

Sidoo kale waxaa goobta lagu soo bandhigay muuqaalo ka turjumayay Muqdisho shalay sida ah aheyd iyo sida la doonayo in ay noqoto marka la gaaro sanadka 2035, wax soo saarka dalka waa xalka dhaqaale ee dalka iyo sidoo kale sawir muujinaya Tareen Deg deg ah dalka oo dhan isaga goosha taasoo dadkii waaya jooga ahaa ee xafladda kasoo qeyb ay xusuus gelisay.

Riyaawadii kooxda Qaranka ee hobolada Waaberi ay xalay kusoo bandhigeen xafladan ku saabsaneyd Hiigsiga Soomaaliya marka la gaaro sanadka 2035, oo fikradeedu uu iska lahaa xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka tirsan Mudaniyaasha baarlamaanka Soomaaliya markii ay idlaatay kadib ayaa waxaa loo guda galay qudbadihii madaxdii xafladda kasoo qeyb gashay.

Maareeyaha Golaha Murtidda, Madadaaladda, Fanka iyo Farshaxanka, Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf oo ka hadlay gababadii Bandhigga ayaa ka codsaday Dawladda Somalia in loo fududeeyo fanaaniinta inay Riwaayadan dalka oo dhan gaarsiiyaan.Hibo-Muqdisho-1Hibo-Muqdisho-2Hibo-Muqdisho-3Hibo-Muqdisho-4Hibo-Muqdisho-5Hibo-Muqdisho-6Hibo-Muqdisho-7Hibo-Muqdisho-8Hibo-Muqdisho-9Hibo-Muqdisho-10Hibo-Muqdisho-11Hibo-Muqdisho-12Hibo-Muqdisho-13Hibo-Muqdisho-14Hibo-Muqdisho-15

Isha: Warfaafiye.com