27.7 C
Mogadishu
Sunday, April 19, 2026

Soomaaliya iyo 9 dal oo kale oo saaray qoraal xasaasi ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Antalya (Caasimada Online) – Wasiirrada arrimaha dibadda ee 17 dal ayaa si kulul u cambaareeyay go’aankii Israa’iil at safiir ugu magacawday qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliya, ayaga oo tallaabadan ku tilmaamay mid si qaawan ugu xadgudbaysa madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Bayaan wadajir ah oo ay wasiirradani soo saareen Axaddii ayay ku xaqiijiyeen in go’aanka Israa’iil uu yahay xadgudub cad oo ka dhan ah qaranimada iyo nabadgelyada dhulka Soomaaliya.

Dalalkan oo kala ah; Soomaaliya, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Qadar, Masar, Suudaan, Liibiya, Bangaladhesh, Aljeeriya, Falastiin, Turkey, Indonesia, Pakistan, Kuweyt, Mauritania, Urdun, Cumaan, iyo Yemen, ayaa si buuxda u diiday tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wiiqaysa midnimada iyo madax-bannaanida dowladaha.

Dalalkan ayaa muujiyay taageeradooda adag ee aan ruxmin ee ay la garab taagan yihiin midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Waxay sidoo kale bogaadiyeen hay’adaha sharciga ah ee dowladda Soomaaliya, iyagoo ku sifeeyay inay yihiin kuwa keliya ee matala, kana turjuma rabitaanka dhabta ah ee shacabka Soomaaliyeed.

Bayaanka ayaa mar kale xoojiyay garab istaagga madax-bannaanida Soomaaliya, isagoo hoosta ka xariiqay in tallaabo kasta oo dhaawacaysa qaranimada dalkaas ay tahay mid aan la aqbali karin.

Sidoo kale, wasiirrada ayaa sheegay in dhaq-dhaqaaqyadan diblomaasiyadeed ay yihiin kuwo si cad uga hor imaanaya mabaadi’da sharciga caalamiga ah, Axdiga Qaramada Midoobay iyo shuruucda aasaasiga ah ee Midowga Afrika.

Waxay ka digeen in ficilladani ay horseedayaan tusaale khatar ah oo halis gelin kara xasilloonida gobolka xasaasiga ah ee Geeska Afrika, isla markaana ay saameyn taban ku yeelan doonaan nabadda iyo amniga heer gobol iyo heer caalami intaba.

Ugu dambeyn, mas’uuliyiintan ayaa ku celiyay mowqifkooda ah in ficil kasta oo dhaawacaya madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka Soomaaliya si adag loo diido, iyagoo xusay in taageerada dowladda Soomaaliya iyo hay’adaheeda ay xilligan tahay arrin lagama maarmaan ah.

Bayaanka ayaa yimid kadib kadib markii Israa’iil ay Arbacadii ku dhawaaqday in diblomaasiga lagu magacaabo Michael Lotem uu noqon doono safiirkeedii ugu horreeyay ee maamulka Somaliland, balse ah mid aan halkaasi fadhiisan dooni (non-resident ambassador).  

Bishii Febraayo ee sanadkan, Israa’iil ayaa dhankeeda si rasmi ah u guddoontay waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ee safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u magacawday Tel Aviv, Maxamed Xaaji, taas oo calaamad u ahayd in magacaabis laba-geesood ah ay xigi doonto.

- Advertisement -

Read more

Local News