HIBO NUURA oo beenisay warar ay ka faafiyeen Website-yada Soomaalida

Muqdisho (Caasimada Online) Fannaanada caanka ah ee Hibo Maxamed Cudoon (Hibo Nuurra) ayaa qaylo-dhaan ka muujisay warar ay qoreem Websit-yada Soomaalida, kuwaasoo qoray in fannaanada heer qaran dhawaan lagu dhacay magaalada Muqdisho.

Fannaanada oo lahadashay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sheegtay in laga been abuurtay Wareysi ay siiyay Talafishanka Kalsan.

Waxa ay sheegtay in wareysiga uu la yeeshay Wariye Dulyar ay kaga hadashay  boob iyo bililiqo loo geestay sannadkii 1991-dii gurigeedii.

“Waxaan aad uga xumaaday warar ay qoreen Websit-yada qaar, kuwaasoo leh Fannaanada Hibbo Nuura dhawaan markii ay ku soo laabatay magaalada Muqdisho waa la dhacay wararkaas waa been aan sal lahayn.”ayey tiri Fannaanada .

Waa ay sii hadashay “Waxaan wariye Dulyer u sheegay sannadkii 1991-dii oo gurigeygii ku yaallay Wardhiileey in la boobay wixii yaalay, xittaa mutuleelkii iyo saqafkii guriga waa la qaatay booskii oo bannaan ayaa la iiga badbaadiyay” ayey markale tiri Hibbo Nuura.

“Xamar maanta meel la-isku-dhaco ma ahan, waxaan tagay meelo badan oo berri dhexdaas degmo la i dhahay lama tago ayaan tagay waa Deyniile, waxaan  ku soo arkay hotelka ugu quruxda badan Caasimada marka wariyaha warkaas qoray waxaan lee yahay kala baro past iyo future, wixii aan ka hadlay waa wa hore ” “Wixii horey waa laga tagay” ayey tiri fannaanada.

Si kastaba, Hibbo Nuura oo ka mid ah fannaanita qaran Waaberri ayaa muddo dhowr iyo tobbon cisho ahjoogta Muqdisho, waxaan ay caddeesay in magaalada ay ku arag tay horrumar ballaaran.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com