Hirshabeelle oo yeelaneysa guddoomiye cusub oo baarlamaan + Sababta

Jowhar (Caasimada Online)-Wararka naga gaaraya magaalada Jowhar ee caasimada maamulka Hirshabeelle ayaa sheegaya in xiisad cusub ay ka dhex bilaabatay xildhibaanada baarlamaanka ee maamulka Hirshabeelle.

Xiisadda ayaa ka dambeysay kadib markii guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Hirshabeelle fariin uu u diray xildhibaanada uu ku wargeliyay inay fasax ka yihiin kulamadii baarlamaanka.

Muddo ku dhow Seddex bilood ah ma jiro wax kulan ah oo xildhibaanada baaramaanka maamulka Hirshabeelle ay yeesheen, iyadoo guddoomiyaha baarlamaanka uu mudadaasi ku sugan yahay magaalada Muqdisho.

Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Hirshabeelle Canab Axmed Ciise oo saxaafadda kula hadlaysay magaalada Jowhar ayaa muujisay xiisadda cusub ee ka dhex bilaabatay xildhibaanada Hirshabeelle.

Waxaa muuqata inay durba xildhibaanada labo dhinac u kala safteen, waxaana xildhibaanada qaar ay sheegeen inay guddoomiye cusub dooran doonaan, haddii guddoomiyaha sida ugu dhaqsiyaha badan ugu laaban doono Jowhar.

Xildhibaanada qaar oo dhankooda kula ku yeeshay magaalada Jowhar ayaa sheegay in dhawaan guddoon cusub ay dooran doonaan, iyaga oo eedeyn culus u jeediyay guddoomiye Cusmaan Barre Maxamed.

Maamulka Hirshabeelle ayaa u muuqda mid aanan ka dhaqaaqin halkii uu ka bilowday, iyadoo ay ugu wacan tahay , ineysan jirin wax qabad muuqda oo shacabka labada gobol loo sameeyay.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada online
Xafiiska Hirshabeelle
Caasimada@live.com