Masar oo aastay Maxamed Morsi saacado kadib geeridiisa

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka la helayo magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa sheegaya in dowladda dalkasi ay aastay madaxweynihii dalkaasi Masar Mohamed Mursi.

Saacado kadib geeridiisa waxaa Maxamed Mursi lagu aasay deegaan ku yaala bariga magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar, iyadoo aan la ogeyn sababta sidaasi loogu dadajiyay aaskiisa.

Qareenkiisa ayaa sheegay in Mursi la aasay waaberigii saaka, kadib markii qoyskiisa loo diiday inay ku aasaan xabaalaha ay ku aasan yihiin dadka ay isku qoyska ahaayeen.

Mursi oo ahaa nin diinta Islaamka ku dhagan ayaa xabsi ku jiray lix sano ka dib markii ay milatarigu xilka ka tuureen sannadkii 2013, isagoo ahaa madaxweynihii ugu horeeyey Masar ee si dimoqraadi ah loo soo doortay.

Telefeshinka dawladda ayaa sheegay in uu wadnuhu istaagay, balse hay’adaha xuquuqda aadanaha u dooda ayaa ku baaqay baaritaan dhexdhexaad ah lagu sameeyo geeridiisa, waxayna intaas ku dareen in su’aalo badan ay ka taagan yihiin sidii loola dhaqmay intii uu xabsiga ku jiray.

Waxaa shaki weyn uu ka imaanayaa sababta sida deg dega ah dowladda Masar ay u aastay, iyadoo loo malaynayo in madaxweyne Mursi la sumeeyay.

Halkan ka daawo muuqaalka sirtii uu Mursi doonayey inuu shaaciyo
Halkan ka daawo muuqaal ku saabsan sidii uu u dhintay Mursi

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com