QM oo WAR cuusb ka soo saartay xiriirka DF Somalia kaddib cayrintii HAYSOM

Muqdisho (Caasimada Online) – Sarkaal sare oo ka tirsan QM ayaa niyad-wanaag ka muujisay xiriirka siyaasadeed iyo kan dhaqaale ee u dhaxeeya QM iyo dowladda Soomaaliya, lix bilood kadib markii Soomaaaliya ay soo cayrisay ergeygii QM, Nicholas Haysom.

Kaaliyaha xoghayaha guud ee QM ee Afrika, Bintou Keita ayaa hadalkan jeedisay kadib markii ay soo geba gebeysay safar shan maalmood qaatay oo ay ku tagtay Soomaaliya, kaasi oo ujeedadiisa ahayd in dib caadi looga dhigo xiriirka labada dhinac.

Keita ayaa sheegtay in wada-hadalladii ay la yeelatay madaxda Soomaalida diiradda lagu saaray hanaanka siyaasadda iyo ka dhaqaale ee dalka, iyo xiriirka QM iyo Soomaaliya.

“Waxaan ka wada-hadalnay maamulka siyaasadda, aas-aaska nidaamka federaalka, iyo sidoo kale xaaladda dhaqaale ee dalka” ayay Keita ku tiri bayaan uu saaray xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM.

Safarkeeda ayaa yimid dhowr toddobaad un kadib markii QM ay ergey cusub usoo magacowday Soomaaliya, kaasi oo ah James Swan oo u dhashay dalka Mareykanka, kadib lix bilood oo dalka uusan u joogin ergey.

Xiriirka labada dhinac ayaa xummaaday kadib markii Soomaaliya ay bishii Janaayo ee sanadkan soo cayrisay eregygii QM, Nicholas Haysom, oo ay ku eedeysay inuu faro-gelin ku sameeyey arrimaha gudaha ee dalka.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com