HirShabelle oo dalbatay ciidamo dheeraad ah, ka hor doorashooyinka dalka

Jowhar (Caasimada Online) – Wasiirka amniga dowlad goboleedka HirShabelle, Maxamed Cabdiraxmaan Khayre oo wareysi siiyey laanta afka Soomaaliga ah ee VOA ayaa ka warbixiyey xaaladda HirShabelle, gaar ahaan tan ammaanka.

Wasiir Khayre ayaa sheegay in dhowaan Jowhar ay marti-galineyso labo doorasho oo mid lagu soo dooranayo xildhibaanada labada aqal iyo tan maamulka HirShabelle.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay u baahan yihiin ka maamul ahaan ciidamo dheeraad ah oo suga amniga magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

“Jowhar waxa ay martigelineysaa labo doorasho oo mid kamid ah lagu soo doorashonayo Xildhibaannada & Senataraa BFS, tan kale waa doorashada Maamulka Hir-Shabeelle oo waqti ahaan kusoo beegantay xaaladdaan” ayuu yiri Maxamed Cabdiraxmaan Khayre.

Wasiirka amniga HirShabelle ayaa intaasi ku sii daray “Marka Magaalooyinka doorashada ay ka dhaceyso waxaa imaanaya bulsho ka badan kuwa kunool, waa loo baahan yahay in la kordhiyo ilaaliyaasha nabadgalyada, musharixiinta qudhooda waa culeys kale, waa in aad ilaalisaa dadka Magaalada, kuwa tagay iyo musharixiintaba”

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo muddooyinkii la soo dhaafay laga deyrinayey amniga gudaha magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle oo siyaabo kala duwan loogu dilay mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulkaasi.