QM oo walaac hor leh ka muujisay xaaladda Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin ka soo baxday golaha xuquul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa walaac looga muujiyey xaaladda Soomaaliya, iyadoo haatan dalku uu ku jiro marxalad loogu diyaar garoobayo doorashada.

Isha Dyfan oo ka mid ah baarayaasha gaarka ah ee Qaramada Midoobay, islamarkaana xilkaasi loo magacaabay wixii ka dambeeyey markii uu caalamka isaga kala gudbay xanuunka safmareenka ah ee Coronavirus ayaa sheegtay in madaxda Soomaaliyeed aysan u hoggaansamin xeerarka caalamiga ah ee u dagsan xuuqul insaanka.

Warbixin ay soo saartay ayey ku sheegtay in khubaro madax banaan ay la wadaageen in madaxda Soomaalida ay ku guul darreysteen inay dhowraan xaquuqda, dhaqaale, mid bulsho iyo mid dhaqan intaba.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inay jiraan weeraro lagula kacay xarumo caafimaad iyo shaqaale samafal oo sababay dhimashada dad rayid ah.

Waxa kale oo ay carabka ku goday in Soomaaliya uu ka jiro xad-gudub dhanka xorriyadda hadalka iyo aragtida, sida ay hadalka u dhigtay.

“Waxaa jiray weeraro ka dhan ah xarun daryeel caafimaad iyo shaqaale samafal, isticmaalka awood xad dhaaf ah oo ay adeegsadeen hay’adda sharci fulinta, taas oo sababtay dhimashada dadka rayid ah, xadgudubyada xuquuqda xorriyada hadalka, aragtida, kororka rabshadaha Jinsiga iyo dhibaatooyin kale.” ayay ku sheegtay warbixinta Isha Dyfan ay ka soo saartay xaaladda bani’aadanimo ee Somalia.

Ugu dambeyn Isha Dyfan ayaa hoosta ka xariiqday in sanadihii u dambeeyey ay gudaha Soomaaliya ku sii kordheyn tacadiyada loo geysto dumarka Soomaaliyeed, iyada oo tusaale u soo qaadatay falalka la xiriira kusfiga oo siyaabaha kala duwan uga dhacay gudaha dalka.