WARARKII ugu dambeeyey ee kulamada siyaasiyiinta Soomaalida ee ka socda Nairobi iyo xulufo la dhisayo

Nairobi (Caasimada Online) – Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka billawday olole xoog leh oo lagu wajahayo doorashada Soomaaliya, waxaana halkaas ku sugan siyaasiyiin miisaan leh oo u hanqal taagaya hoggaanka dalka.

Saacado un kadib markii la soo saaray jadwalka doorashada Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa Jimcihii shalay gaaray magaaladaas, waxaana ka bilaaday kulamo siyaasadeed oo lagu gorfeynayo arrimaha doorashada.

Deni ayaa halkaas kula kulmay siyaasiyiin Soomaaliyeed iyo xubno ka socda beesha caalamka, waxayna wararku sheegayaan inuu Nairobi ka bilaabay xulufaysi siyaasadeed oo ku wajahan doorashada Soomaaliya ee 2020/2021-ka.

Deni ayaa la rumeysan yahay inuu halkaasi u tegay hirgelinta xulufaysi siyaasadeed oo ku aaddan arrimaha Doorashada Soomaaliya, maalin kadib markii la soo saaray habraaca iyo jadwalka doorashadaas.

Wararku waxay sheegayaan, in Madaxweyne Deni uu magaalada Nairobi kulamo kala duwan kula yeelan doono, siyaasiyiin miisaan leh oo damac kaga jiro doorashada soo socota iyo sidoo kale wakiilo ka socda dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya.

Kulamada badankooda waxa la filayaa in ay noqdaan kuwa qarsoon oo aan la shaacin, inkastoo laga yaabo in qaarkood la shaaciyo.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa isna lagu wadaa in uu maalmaha soo socda gaaro magaalada Nairobi, islamarkaana ku biiro kulamada siyaasadeed ee uu halkaasi ka wado Madaxweyne Deni.

Nairobi ayaa caan ku ah in siyaasiyiinta Soomaalidu ay ololahooda ka soo bilaabaan xilli doorasho kasta oo ay Soomaaliya aadeyso, waxaana lagu xasuustaa in doorashadii u dambeysay ee 2016-kii ay ololahooda ka soo bilaabeen musharaxiin badan oo uu ku jiray Madaxweynaha haatan Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa inay Nairobi gaaraan siyaasiyiinta badan oo ay ku jiraan qaar ka mid madaxda dowlad goboleedyada dalka, sida Axmed Madoobe.

Waxaa halkaas lagu lafa-gurayaa sidii siyaasiyiintaasi ay is bedel uga sameyn lahaayeen siyaasadda Soomaaliya, xilli doorashada 2020/2021-ka, waxaana la sheegay inuu horay u jiray xiriir iyo is-xulufeysi ka dhaxeeyay madaxda qaar.

Nairobi ayaa ka mid aheyd magaalooyinka caalamka ee uu dhaq-dhaqaaqeeda saameeyay Coronavirus, balse siyaasiyiinta uu ka dhaxeeyay is-xulufeysigan ku wajahan doorashada ayaa ololahooda ugu weyn waxa uu ka socday qadadka Internet-ka.