Ismaaciil Cumar Geelle oo caddeeyey mowqifkiisa xiriirka Carabta iyo Israel

Khartoum (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka horyimid xiriir diblumaasiyadeed iyo mid dhaqaale oo dalalka Jaamacadda Carabta ay la yeeshaan Yuhuuda.

Madaxweyne Geelle oo ka hadlayay xiriirka dalalka Imaaraadka, Baxreyn ay la gaareen Yuhuuda ayaa sheegay inuu u arko mid baal marsan heshiiskii 2002 ee Beirut oo dhigayay in heshiiskii nabadda laguna muujiyay in dalalka Carbeed ay soo celinayaan xiriirka Yuhuuda haddii ay ogolaadaan in Israa’iil iyo Falastiin noqonayaan laba dal oo jaar ah, gumeysigana ay joojinayaan.

Mr. Geelle ayaa sheegay in ay weli ku taagan yihiin hindisihii ka yimid 2002 Boqor Cabdalla Sacuudiga ee geeriyooday, wax ka baxsana aysan hadda Jabuuti ahaan aqbaleyn.

Wuxuu carabka ku adkeeyay in dalalka heshiiska iyo xiriirka la yeeshay Yuhuuda ay dantooda u arkeen heshiis ay la yeeshaan Yuhuuda.

“Wadamo dantooda u arkay inay xiriir la yeeshaan Israa’iil ayaa jira, Dadka Falastiina wey jirayaan, hadafkoodana mar aun rey gaarayaan weyna xoroobayaan, annagana hadafkeenii hore ayaa weli ku taaganahay” ayuu yiri Madaxweynaha Jabuuti.

Dalalka Isutaga Imaaraadka iyo Baxreyn ayaa heshiis uu kasoo shaqeeyay Mareykanka la galeen Yuhuuda, waxaana heshiiskaasi inta badan cambaareeyay dalalka Islaamka.