Weerar qorsheysan oo ka dhacay magaalada Kismaayo iyo khasaare ka dhashay

Kismaayo (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar loo adeegsaday bam-gacmeed oo xalay ka dhacay bartamaha magaalada Kismaayo oo xarun u ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa yimid, ka gadaal markii rag hubeysan ay bam-gacmeed ku tuureen maqaaxi ay dad badan ku sugnaayeen oo ku taal magaaladaasi.

Ugu yaraan illaa shan qof oo dhammaan ah dad shacaba ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Sidoo kale waxaa weerarka kadib goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan Booliiska Jubbaland oo ku sugnaa meel aan ka fogeyn maqaaxida la weeraray.

Ciidamada ayaa sidoo kale xalay ilaa saaka howl-gallo baaritaano ah ka sameeyey gudaha magaallo xeebeedka Kismaay, iyaga oo gacanta ku dhigay tiro dad ah.

Muddooyinkii u dambeeyey magaalada Kismaayo waxaa ka dhacayey falal ammaan darri, sida dilal qorsheysan iyo qaraxyo, waxaana midkii u dambeeyey oo is-miidaamin ahaa lagu dilay guddoomiyihii rugta ganacsiga ee dowlad goboleedka Jubbaland, Shaafi Raabi Kaahin.