HirShabelle oo isbeddal ku sameysay maamulka gobolka Hiiraan (Aqriso magacyada)

Beledweyne (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha HirShabelle, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Gure (Karoorre) ayaa maanta isbeddal ballaaran ku sameeyey maamulka gobolka Hiiraan, isaga oo sameeyey xilka qaadis iyo magacaabis.

Isbeddalkan ayaa toos u saameeyey maamulka gobolka iyo kan degmooyinka Buuloburde iyo Jalalaqsi, sida ku cad saddex wareegto oo ka soo baxday wasaaradda arrimaha gudaha.

Wasiir Cabdiraxmaan Karoorre) ayaa beddalay ku xigeenka guddoomiye Cali Jayte Cismaan, isaga oo magacaabay ku xigeeno cusub oo uu faray inay xilalka la wareegaan.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha siyaasadda iyo maaliyadda gobolka Hiiraan ayaa waxaa loo magacaabay Xasan Ibraahim Cabdulle, halka guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo dib u dhiska gobalka Hiiraan loo magacaabay Cabdiraxmaan Maxamed Muumin (Xuuf), sidoo kale guddoomiye ku xigeenka dib u heshiisiinta iyo federaalka gobalka ayaa waxaa loo magacaabayMudane Maxamed Maxamuud Maxamed oo loo yaqaano (Dhoobey).

Sidoo kale wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka HirShabelle ayaa maamul cusub u magacaabay degmada Buuloburde, kadib xilka qaadis uu ku sameeyey guddoomiyihii hore hore A Mudanexmed Mahad Nuur, waxaana xilkaas loo magacaabay Xasan Maxamed Cabdi.

Dhanka kale wasiirka ayaa xilalkii ka qaaday guddoomiye ku xigeenada degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan isaga oo magacaabay kuwa cusub.

Guddoomiye ku xigeenka arimaha maaliyadda Jalalaqsi ayaa wuxuu u magacaabay Mudane Maxamed Qaasim Cabdi, sidoo kale guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo dib u dhiska degmada ayaa wuxuu u magacaabay Cabdisalaan Xasan Abuukar halka uu Maxamed Xasan Ibraahim uu u magacaabay guddoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada ee Jalalaqsi.

Isbeddalladan ayaa ku soo aadayo, ayada oo shalay qaraxyo ismiidaamin ahaa oo khasaare geystay ay ka kala dhaceen degmooyinka Buuloburde iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan oo haatan ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab.