HirShabeelle oo jawaab ka bixisay guryo iyo ceelal ay qarxiyeen AL-SHABAAB

Beledweyne (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda amniga dowlad goboleedka HirShabelle, Maxamed Cabdiraxmaan Khayre oo u warramay Telefishinka Universal ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgallada ay haatan ciidanka huwanta ka wadaan gobolka Hiiraan.

Wasiir Khayre ayaa isaga oo ku sugan jiida hore ee dagaalka wuxuu shaaca ka qaaday in howlgallada  ay qaadeen ay jawaab u yihiin tallaabooyinkii u dambeeyey ee kooxda Al-Shabaab oo qarxisay ceelal, sidoo kalena dab qabadsiisay guryo ay daganaayaan shacab.

Howlgallada ayuu tilmaamay inay xoogooda ka socdaan inta u dhexeysa degmooyinka Matabaan iyo Maxaas, ayna kula wareegeen deegaanno horleh.

“Sidaad la socotid maalmihii ugu dambeeyey deegaannadaan gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaannada hoos yimaada Matabaan iyo Maxaas waxaa ka socday howlgallo oo nimankan cadowga ah looga sifeynaayo, kadib markii dadka deegaanka ay culeesaad dhib badan saareen oo ay ka mid tahay inay xoolihii ka dhacaan, ceelashiina ay ka qarxiyaan ama ka duugaan, guryihiina ay ka gubaan,” ayuu yiri wasiir Maxamed Cabdiraxmaan Khayre.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, ayna gaari doono deegaannada kale ee ka maqan gacanta dowladda.

“Marka annnaga oo dadka u gurmaneyno ayey howlgalladaan billowdeen, Insha Allah meelaha aan hadda joogno inaan xakameyno meelihii kalena ee cadowga dhibaateynaayo inaan uga daba tegno ayaan rajeyneynaa,” ayuu sii raaciyey wasiirka amniga HirShabelle.

Hiiraan ayaa ka mid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana inta badan ka dhaca dagaallo geysta khasaare kala duwan.

Sikastaba, maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa deegaannada HirShabelle ka socday howlgallo iyo duqeymo lagu beegsanayo fariisimaha Al-Shabaab ee ku yaalla maamulkaasi.