27.1 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Hirshabelle oo si adag uga jawaabtay haddal kasoo yeeray Wasiir Xoosh

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo Wasiirka Wasaaradda Dastuurka ee xukumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil shaaca ka qaaday in maamul Goboleedyada la horgeyn doono BFS, ayaa waxaa arrintaasi si kulul uga hadlay maamulka Hirshabelle.

Xildhibaan Geelle Isaaq Warsame oo ka tirsan baarlamaanka maamulka ayaa sheegay in hadalka kasoo yeeray Wasiirka Dastuurka uu yahay mid aan laga fiirsan.

Xildhibaanka ayaa sheegay in wax aad looga xumaado ay tahay in Wasiirka uu ku hadlo wixii maankiisa kasoo baxa.

Waxa uu Xildhibaanka sheegay inaanu jirin maamul lagu dhisay qol mugdi ah, balse waxa uu cadeeyay in Wasiirka uusan ka warqabin qorshaha uu wado iyo kan ay ku dhisan yihiin maamulada dalka.

Xildhibaan Geelle Isaaq ayaa sheegay in arintaasi ay tahay mid sheeko ah Sababtoo ah ayuu yiri maamul gobaleedyada waxay soo dhisayn dowladda dhexe iyo Baarlamaanka la doonayo in la horgeeyo sidaas darteedna aysan marna suurta gali doonin.

Waxa uu cadeeyay in Wasiirka aysan ka aqbali doonin qorshaha uu wado, waxa uuna bidhaamiyay in qorshahaasi uu noqon doono mid ay u hogaansamaan maamulada aan lagu dhisin sharciga.

Haddalka kasoo yeeray Xildhibaanka ayaa kusoo beegmaya xili haddalka Wasiir Xoosh uu ka dhashay muran iyo dood farabadan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News