Farmaajo oo sabab cajiib ah u yeelay safaradiisa batay ee dibadda: Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Safarada aan kala fogeyn ee uu ugu baxo dalka dibadiisa.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Safaradaasi ay yihiin kuwo lagu casuumo isla markaana ku saleysan mid uu xal ugu raadinaayo Somalia.

Farmaajo waxa uu sheegay in dowladaha casuuma ay usoo diraan diyaarad gaar ah, waxa uuna tilmaamay in safarada noocaasi ah aysan Somalia uga bixin dhaqaale gaar ah.

”Safarada aan ku gaaro dalka dibadiisa waxaan ku raadiyaa xalka Somalia, inta badan dhaqaalaha ku baxa safarka waxa uu dusha ka saaran yahay dowlada na casuuntay marba hadii ay soo dirayaan diyarada waxaan filayaa inaanu jirin culeys kale”

https://www.youtube.com/watch?v=I5PoObeAEsU&list=UUp59cWPUAcx-epEr0givuww

Farmaajo waxa uu tilmaamay in ahmiyada koowaad ay siinayaan Somlia oo kasoo dhamaata caalamka si loo helo dowlado garab istaaga Somalia.

Farmaajo ayaa intii uu ku jiray olalaha doorashada ballan qaaday inay yaraan doonaan safaradiisa, kana duwanaan doono madaxdii ka horeysay.

Madaxweynaha ayaa tan iyo markii la doortay galay ilaa 5 safar oo uu midkii ugu danbeeyey ku tagay dalka Turkiga.

Haddalka Madaxweynaha ayaa u muuqda mid uu kaga sii afeefanaayo Safarka la filaayo in maalinta Arbacada ah ku gaari doono magaalada Addis Ababa.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET