R/W Kheyre iyo wasiirka arrimaha dibada Jarmalka oo ku shirsan garoonka Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow magaalada Muqdisho soo gaaray Wasiirka arimaha dibada dalka Germany, iyadoo Garoonka Aadan Cadde uu ku soo dhaweeyay Wasiirka arimaha dibada Somalia.

Wasiirka arimaha dibada Mr Germany Sigmar Gabriel oo Booqashadiisa aan horay loo sii shaacin, ayaa waxa uu hadda kulan gaar ah Garoonka Aadan Cadde kula leeyahay Ra’isal wasaaraha Xukuumada Somalia iyo Wasiirka arimaha dibada Yuusuf Garaad.

Kulanka Seddexda mas’uul ayaa hadda ka socda Garoonka Aadan Cadde qeybta VIP waxa ayna kawada hadli doonaan Xiriirka, Amniga, Dhaqaalaha iyo Siyaasada.

Wasiirka ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu gaaro Villa Somlia oo uu kula kulmi doono Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Germany ayaa waxa ay ka mid tahay dowladaha sida weyn u taageera arimaha Somaliya, waxaana qayb ay ka qaataan Germany dib u dhiska ciidanka Xooga dalka Somaliya.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET