Hogaamiye Waare oo markii ugu horeysay banaanka soo dhigay qalad ay dhexda ka gashay DFS (Muxuu yahay)

Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa si faahfaahsan uga hadlay go’aan ay dhawaan si wada jira usoo saaren Madaxda Qaranka iyo Hogaamiyayaasha maamul gobolleedyada ka jira dalka.

Hogaamiye Waare, ayaa sheegay in go’aankaasi uu yahay mid u baahan fulin isla markaana wax laga weydiin doono dowlada Somalia.

Hogaamiye Waare, ayaa sheegay in DFS looga fadhiyo fulinta qodobadii lagu heshiiyay shirkii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Waare waxa uu tilmaamay in qodobadii kasoo baxay shirkii dhawaan dhexmaray Madaxda Qaranka iyo kuwa Maamul Goboleedyada uu ka mid ahaa in laga waddatashto hindise sharciyeedyada xukuumaddu soo gudbiso ka hor inta aan la horgeyn baarlamaanka Somalia.

Waxa uu intaa raaciyay in mar haddii la qaatay nidaamka federaalka la doonaayo in loogu dhaqmo si dhab ah ama sida uu hadalka u dhigay leyskaba daayo nidaamkan.

”Anagu waxaan ballan ku lahayn in Hindise sharciyeedyada la horkeenayo BFS wadatashi laga sameeyo, iyadoo la is tusay muhiimad ay leedahay, wixii shirkeenii ka dambeeyay waxaa baarlamaanka la horkeenay hidise sharciyeedyo, waxaan rajeyneynaa in sidii ballanta ahayd nalagala tashado sharciyadaasi, la tashigaasina aan fikradeenna iyo dareenkeenna ku biirinno”

”Haddii dowlada Somalia aysan ka dhabeyn karin qodobada lagu heshiiyay waxaan ka dalbaneynaa inay cadeysato mowqifkeeda oo aysan ku dheelin heshiiska dhacay”

Geesta kale, Hogaamiyaha maamul goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa guddoomiye ku-xigeen ka ah golle ay ku mideysan yihiin madaxda dowlad gobolleedyada dalka dhisan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com