Sheekh Shaakir oo ka shanqariyey haddal muujinaaya isbedel weyn

Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Ahlusunna ee gobolada Dhexe Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay kulamo aan caadi aheyn oo magaalada Nairobi ku dhexmaray isaga iyo Hogaamiyaha Galmudug Xaaf.

Sheekh Shaakir waxa uu sheegay in kulanka ay wada qaaten Xaaf uu ahaa mid isfahan kusoo dhamaaday isla markaana ay sugayaan kulan kale oo dhawaan wada qaadan doonaan Galmudug.

Sheekh Maxamed Shaakir, oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa intaa ku daray in kulanka xiga uu ka dhici doono magaalada Jabuuti kaa oo lagu dhameystiri doono kulanka hadda ka dhacay Nairobi.

Waxa uu Sheekh Shaakir xaqiijiyay in ay diyaar u yihiin inay la heshiiyaan Galmudug, isla markaana gobolada dhexe laga dhiso maamul mid ah oo hal Hogaamiye yeelan doona.

Waxa uu tilmaamay in ay jiraan shaqsiyaad caqabad ku ah Galmudug iyo Ahlusunna wadahadalkooda, sidaa aawgeedna ay u aqbaleen heshiis ay la galaan maamulka Galmudug kaa oo lagu dhisi doono maamul mideysan.

”Galmudug waan isaga soo dhawaanay halkii aan horay kala taagneyn, waxaan rajeyneynaa in kulanka soo socda ee ka dhici doona Jabuuti uu noqon doono mid lagu gaaro xal dhameystiran”

”Waxaan u digeynaa kuwa caqabada ku ah heshiiska Galmudug iyo Ahlusuna, waxaan leenahay heshiis ayaa dhacay ee u qaata sida aad doontaan oo xumaan iyo wanaagba leh”

Sidoo kale, waxa uu heshiiska hordhaca ah uga mahadceliyay Urur goboleedka IGAD oo garwadeen ka ah wadahadalada maamulka Galmudug iyo Ahlusunna.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com