Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Somalia ka dhacay kulan aad u ballaarnaa oo u dhexeeyay hogaamiyeyaasha iyo Odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye.
Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saarayay masiirka Umadda Soomaaliyeed ee aanu jirin cid si gaar ah mas’uuliyad isaga saartay, waxa ayna Hogaamiyayaasha iyo Odayaashu kulanka ka sheegen in DFS ay ku fashilantay ujeedkii loo dhisay.
Waxa ay cod dheer ku sheegen in masiirka Umadda Soomaaliyeed uu meel mugdi ah galay, iyaga oo cadeeyay in Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh Maxamuud iyo Dowladiisa ay dhex fadhiyaan Fashil iyaga oo aan dalka gaarsiin heerkii laga filaayay, sida ay hadalka u dhigeen.
Kulanka waxaa si gaar ah loogu dhaliilay Madaxwaynaha Soomaaliya oo lagu eedeeyay in dalka uusan waxba ka qaban mudada uu xilka hayo,waxayna Hogaamiyeyaashan sheegeen in DF Soomaaliya ay marin habaabisay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa waxaa sidoo kale, lagu canbaareeyey tacdiyada ay dalka Somalia ka gaysteen Ciidamada shisheeye,waxaana lagu yiri warkan waa in DF Somalia cadayso go’aankeeda Dowladnimo ayna Madaxda dalku cadeeyeen qorshahooda Siyaasadeed.
Dhanka kale, Madaxweyne Xassan Sheekh ayay ugu baaqen in inta uusan dhicin ka hor shacabka Soomaaliyeed u cadeeyo sababaha uu ugu fashilmay xilkiisa islamarkaana wax muuqda uu dalka ugu soo kordhin waayay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]