Hoggaamiyaha Tigray-ga oo mowqif cusub kasoo saaray dagaalka dowladda Ethiopia

Mekele (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Tigray-ga ayaa sheegay inay ka go’an tahay in wada-xaajood lagu dhammeeyo dagaalka sagaalka bil ka socda gobolka ee ay ku dhinteen kumanaanka qof, islamarkaana in ka badan nus milyan kale ay ku barakaceen. 

Warqad uu u diray xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres, oo ay aragtay wakaaladda wararka AP, ayuu Debretsion Gebremichael ku sheegay in Tigray-ga ay doonayaan dhex-dhexaadiyey aan dhinac u janjeerin.

Hase yeeshee waxa uu ka digay in Midowga Afrika, oo xaruntiisu tahay Ethiopia “uusan wax hal u keeni karin dagaalka” sababtoo ah ururkan ayaa horey u taaaeeray dagaalka dowladda Ethiopia ay ku qaaday gobolka. 

Arrintan ayaa cakireysa hindise uu Midowga Afrika ku dhowaaqay Khamiisto oo uu ugu magacaabay madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo inuu noqdo ergeyga garaka ah ee ururka u qaanbilsan Geeska Afrika.

Caqabadda kale ee jirta ayaa ah in dowladda Ethiopia ay ku calaameyso ururka TPLF ee Tigray inuu yahay urur argagixiso, taasi oo macnaheedu yahay inaysan wada-hadal la geli karin.

Safiirka Kenya ee QM Martin Kimani ayaa Golaha Ammaanka u sheegay inay muhiim tahay in dowladda Ethiopia ay ka laabato go’aanka ay TPLF ugu yeertay argagixiso, si wada-hadallo loo furo.

Dhinaca kale, dagaalka Tigray ayaa toddobaadyadii tegay kusii faafay gobollada Amhara iyo Afar ee deriska la ah, ayada oo ciidamada TPLF ay dhul badan qabsadeen.

Waxay tani kasii dartay xaaladda gobolka, ayada oo ay sii kordhayaan dadka barakacay, oo kuwa badan oo ka mid ah laga cabsi inay gaajo iyo macluul u dhintaan.

Debretsion ayaa sheegay in dowladda Ethiopia ay dooneyso in gaajo u la’daan shacabka Tigray.

“Ujeeddada waxay tahay in la cirib-tiro Tigray-ga ayada macluul loo dilayo,” ayuu yiri Debretsion oo tixraacaya xanibaado la sheegay in dowladda Ethiopia ay saartay gargaarka ay hay’adaha caalamiga gaynayaan gobolka.