Waare oo shaaciyey qorshe siyaasadeed oo ka dambeeya colaadda ka taagan Hiiraan

Beledweyn (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamul Goboleedka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa markii ugu horeysay ka hadlay colaadda ka taagan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Waare ayaa ugu horreyn ka digay sii socoshada colaada gobolka Hiiraan, wuxuuna ugu baaqay beesha uu kasoo jeedo ee Xawaadle inay ka shaqeyso sidii loo damin lahaa xiisadda taagan.

“Waxaan maanta maqlay war naxdin leh: in Beledweyne Duleedkiisa lagu dilay dhowr qofood oo beeraley ah. Arrintaasi waxay halis u tahay inay soo noolaato colaadii qabooday ee u dhexeeysay beelaha walaalaha ah ee Xawaadle iyo Surre,” ayuu yiri Waare.

Madaxweyne Waare ayaa tacsi u diray dadkii la dilay, wuxuuna dilkaan ku eedeeyey inay ka dambeeyaan shakhsiyaad dano siyaasadeed leh, inkastoo uusan magacaabin dadkaas.

“Waxaan xog ku heynaa in arrintaas abaabuleen dad dano siyaasadeed oo guracan leh. Waxaan ugu baaqaayaa walaaluhu inaysan ku dhicin dabinka loo maleegaayo, colaadana joojiyaan. Gaar ahaan beesha Xawaadle ee dadka laga dilay inay muujiyaan sabar iyo dulqaa,” ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare.

Jimcihii ayey ahayd markii ay dabley hubeysan weerar ku qaaday duleedka magaalada Beledweyne ay ku dishay dhowr qof oo Beeraley ahaa oo kasoo jeeday Beesha Xawaadle.

Xaaladda Magaalada Beledweyn iyo duleedkeeda ayaa hadda dagan, waxaana jirto cabsi laga qabo in Beesha Xawaadle ay sameyso aargudasho, inkastoo ay socdaan dadaalo lagu doonayo in lagu soo afjaro xiisadaan.